dahabshiil

Deg Deg:Shir Kenya Uga Furmaya Maamulada iyo Beesha Caalamka

Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay Nairobi ku yeeshaan kulan deg deg ah oo ku saabsan Shirkii Natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee Garoowe,

Shirkaan oo la filayo in uu dhaco Todobaadkaan ayaa la sheegay in uu dhax-mari doono qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka iyo qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka oo ugu horreeyaan wakiilo ka socda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa maanta u duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya markii uu ku dhawaaqay in uu fashil ku soo dhamaaday Shirkii Garowe.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu wadaa in uu dhowaan u Amba-baxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Xaaf ayaa Khaatumonews u sheegay in Xaaf uu Nairobi kulan kula qaadan doono Xubno ka tirsan UN-ka, Mareykanka Ingiriiska, iyo Midowga Yurub waxa uuna kala hadli doonaa Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada.

Warar kale ayaa sheegaya in kulamada ka dhacay Nairobi ay noqon karaan gaar gaar oo ay Wakiilada Beesha Caalamka si gaar gaar ah u qaabilaan madaxda Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya si wax looga waydiiyo arrimaha Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa geed u fadhi ah Xaaladda Soomaaliya waxaana la sheegayaa in ay aad ISHA ugu heysay Shirka Garoowe inkastoo aysan wali ka hadlin, hadane waxaa jiray walaac ay UK ka muujisay Shirka oo maalmo dheeraad ah qaatay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Qaybdiid says:

    Somaliyeey, dalka Somali baa leh, ma laha beesha caalamku dalka. Qofka Somaliga, ee ku badhi fura Somali oo basaas u noqda ummaddo kale, waa qaadacul dariiq, ee talaabo ha laga qaado. Haddii M/weyne Xaaf iyo M/weyne Madoobe ay ku kacaan, dalku waa in talaabo sharciya laga qaadaa, oo xasaanada laga qaadaa. Bal waxay heleen madax, sidii diintu sheegatay (aan tuug ahayn, dadkana u khidmaynaya) oo wata mabda`a nabad iyo nolol. WBT

  2. nofaqash says:

    beesha calaamka qayb beey ku leedahey waa maamul gobaleedka 6 somali waa kuwa ina caawiyaa ee dawalada farmajo aqoonsan kolkaa farmajo haduu diidey nidamkii somali danta mooodey fadarka isgala eryey somali farmajo dagaalkii sokeeey buu soo cusboonaysiiyey waa lagu qaasarey

  3. DAACAD says:

    Soomaali hadey ay iyadu heshiin weydey a oo iyadu isu muuqato isuna xiniinyo weyn tahey ma Gaal ayaa hesheesiin karra ,intuu isku diro lacag iyo hubna hoosta midkasta uga dhiibo ayuu ku amrayaa is xasuuqa oo xabad heyska reebina, mataa seey soomaaliya ku tashatey.ooy Dan moodey?




script>
Deg Deg:Somaliland Oo Magaca Iska Badelaysa
- Jul 23, 2019
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey ...
Caasha Geelle Gaalkacayo Laga Qabto””Hadaa Tahay Hooyo Sharaf Leh Ma Ragaad La Hirdami laheed Ma Hinaasad Badin Laheed “”
- Jul 22, 2019
Waxaan Daawaday Muqaalkan Haweenayda lagu Magacaabo caasha Geelle Diiriye oo kamid ah Haweenka Gaalkacayo ...
Deg Deg Daawo::-Ciidamada Buuhoodle Oo Fariin Udiray Maamulka Somaliland,
- Jul 22, 2019
Maamulka Somaliland ayaa wada olole la doonaayo in lagu maja xaabiyo Gobolka cayn iyo ...
Deg Deg Daawo:Puntland Oo Ciidan Xoogan Buuhoodle Ku soo Bandhigtay,
- Jul 22, 2019
Maamulka Puntland ayaa Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn Maanta kusoo Bandhigay Ciidamo ...
DAAWO:Dawlada Somaliya Dab Ku Qabanasa Boosaaso iyo Cali Saleebaan,
- Jul 22, 2019
Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo lacag ay Dawlada Dhexe u soo ...