dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo:Lix Qarax Oo Ka dhacay Kaniisad iyo Khasaare Baaxad leh Oo ka dhashay.

Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ilaa 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ilaa lix qarax ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado iyo hoteello ku yaal dalkaasi, xilli lagau guda jiro ciidda Masiixiga ee Easter.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado ku yaal degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa.

Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo.

Maanta oo Axad ah ayaa masiixiyiinta caalamka waxa ay xusayaan ciidda masiixiga ee Easter.

Sawirro la soo dhigay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinayay dhiig daadsan mid ka mid ah kaniisadaha la weeraray.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Sri Lankan ayaa sheegaya in dalxiiseyaal shisheeye ay suurtagal tahay in ay ka mid yihiin dadka ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadani.

Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka caawiyaan laamaha ammaanka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo::Wasiir Ka Tirsan Xukumada Khayre Oo Iscasilay Siro Badana Kashifay,
- Sep 20, 2019
Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee ...
DAAWO:Gabadha Ugu Samaynta Badan Dalka China Oo Ka Soo Jeeda Gobolada SSC,
- Sep 20, 2019
Shabakadda Khaatumonews,com waxaa Ay halkan Idiin ku soo Gudbinaysa Warbixin cajiib ah oo ...
Deg Deg Daawo:Ku Xigeenkii Axmed Madoobe Oo Gaadhay Nairobi,+Farmaajana UGu Baaqay Ka Soo Qeyb Galka Caleema Saarka,
- Sep 20, 2019
Magaalada Nairobi, ee caasimada Dalka kenya waxaa gaadhay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka ...
Deg Deg Daawo:Hargaysa Oo Lagu Qabtay Kulan Midnimada Somalia Looga Hadlaayo,
- Sep 20, 2019
Hay’ada Iom oo Kamida Haayadaha Ka hawlgala gudaha Hargaysa ayaa tababar ay soo ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Diiday Inay ka Qeyb Gasho Shir Xamar Ka Dhacay Oo Jubaland Loo Diiday.
- Sep 19, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada ...