dahabshiil

Deg Deg::Raysal Wasaare Khayre Oo Beeniyay War laga Faafiyay,

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal, ayaa la waydiiyay Su’aal aheyd in mucaaradka dowladda awood u adeegsadaan, xilli mucaaradka aysan aheyn dad hubaysan.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa cidna aysan awood ku maquunin, balse nidaamka dowladnimada uu yahay haddii dhaqaalaha dib u habeyn lagu sameynaayo in musuq lala dagaalamo sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay inay ka soo baxeen isaga & Madaxweynaha balamihii ay ka qaadeen shacabka Somaliyed oo aheyd inay si dhab ah u wada shaqeynayaan, waxaana uu sheegay labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah inay u wada shaqeeyeen isaga & Madaxweynaha.

“Anaga cidna xoog kuma muquunino laakiin dhaqanka dowladnimo, ayaa wuxuu yahay haddii aad rabtid inaad dhaqaalaha dib u habeyn ku sameyso waa in musuq maasuqa lala dagaalamaa, waxaan aaminsahay shacabka Somaliyed intooda badan inay indhahooda macalin yihiin, waxaan balan qaadnay dhaqaalaha dib u habeyn inaan ku sameyn doono, waxaan balan qaadnay in Ciidamada dib u habeyn aan ku sameynayno waa adigaa arkay, waxaan balan qaadnay aniga & Madaxweynaha in aan ka duwanaan doono madaxdii dalkaan ka soo shaqeysay oo labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah ayaan u wada shaqeynay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Inkastoo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay dafirayso in awood loo adeegsado mucaaradka, ayaa haddana waxaanan shaki ku jirin in xubnaha mucaaradka dowladda awood ay u adeegsato, maadaama dhawr mar xittaa Booliska ay joojiyeen tababaro Xisbiyada Mucaaradka ay qaban rabeen.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Dawladda Somalia Oo Magaca Hodan Naaleeye Ku Bixinasa Abaalmarin,
- Jul 16, 2019
Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ...
Daawo:-Cali khalif Galaydh Oo Hargaysa Ka Dhex ooynaya”Anigu Somalilander ayaan Ahay’
- Jul 15, 2019

Daawo::Markabkii Lagu Fashiliyay Ismaqiiqii Muuse Biixi Maxaa ka Soo Kordhay,
- Jul 15, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews }Dawlada Soomaaliya ayaa Si Aan lahayn Gabasho Jilbaha dhulka ugu dhufatay Taliska ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Oo Mar Kale Handaraabtay Somaliland,
- Jul 15, 2019
Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan viisaha xajka lagu bixin ...
Khayre Oo Wada Qorshe Awood Midaysan Loogu samaynaayo Galmudug iyo Hirshabeelle,
- Jul 15, 2019
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta ...