600 Deg Deg:Madaxweynaha Puntland oo heshiis la saxiixday Imaaraadka Carabta | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Madaxweynaha Puntland oo heshiis la saxiixday Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadyada ee Fly Dubai

Kulankan oo muhiimad gaara lahaa ayaa waxaa looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai ay duulimaadyo uga samyn lahayd Garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Puntland maadaama ay  Puntland leedahay Garoomo si casri ah u dhisan laguna samayn karo duulimaadyo heer caalami ah.

Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan isku xirka  Puntland iyo Imaaraadka, waxaa ayna balan qaadeen in ay wakhti dhow duulimaadyadooda ka bilaabi doonaan Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa dhanka kale markuu kulanku soo idlaaday kulan la yeeshay madaxda shirkadda Fly Dubai, waxyna ka wadahadleen qaabka ugu macquulsan oo ay shirkadu wadashaqayn dhow ula yeelan lahayd Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, waxaana shirkaasi kusoo dhammaaday is afgarad.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in  Puntland ay ka go’antahay horumarinta Garoomada iyo sidii Puntland ay ula jaan-qaadi lahayd wadamada horumaray, waxaana uu shirkadda Fly Dubai uga mahadnaqay soo dhaweynta wanaagsan ee ay kula kulmeen isaga iyo waftigiisa

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. DAACAD says:

    Sowtii la lahaa Dubai waa cadowga soomaaliya, qadar ayaa wallaleheen ah.
    Siduu madaxweyne goboleed ula saxiixan karaa hashiis ? Halka dowladda xamar ay Dubai u aragto cadowga soomaaliya?
    Mise farmaajo xukunkiisu waa xamar uun?

  2. WARAN says:

    XAAR MAAJO waydii meeshuu madaxweynaha u yahay!!!.

    # miyay miyirbeel asqoobeen faqash.com

  3. Hassan Hussein says:

    Imaaradka waxay isku dhaceen madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ee Somalia iyo UAE iskuma dhicin cadowna maaha walaalaheen United Arab Emirate/UAE

  4. Elmi says:

    State heshiis lagalay wadan kale Meel aykadhacdy ma arag waa dhac loogaysanayo shacabka soomaliyeed waan isla ogyihiin fedaraalka Somaliya waayo markaliya Kama hadal Awood ay kaga joojison way leedahay

  5. Jaberti says:

    You are a keyboard figher

    • GENERAL LAFARUUGIIWI says:

      Madaa taquul
      Yaad u jeeddaa ma XAAR MAAJO
      Kkkkkkkkkjijiji

      Miyaad xanaaqday.
      Somaaliland Republic security are watching you.

      # rru somaliland.com

      Iyo Jeneral lafaruugaawi iska ilaali caawa

      # buurdhaab.com




script>
Liiska Madaxweynaha Farmaajo u raaci lahaa Hargeysa oo la helay .
- Feb 17, 2020
Waxaa Goordhaweyd soo gaadhay shabakadda Khaatumonews liiska xubno u raacilaha Magaalada Hargayusa ...
Daawo:Farmaajo Hadii Uu yimaado Hargaysa waa La jarjaraya’
- Feb 16, 2020

War Deg Deg Ah Daawo:Dawlada Somaliya Oo ciidan Keenaysa Gaalkacayo iyo Puntland Oo Dagaal Ku Hanjabtay,
- Feb 16, 2020
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare, oo saaka wareysi siiyay ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ugu Danbayn Somaliland Oo Cadaysay In Uusan Farmaajo Hargaysa Imaan Karin.
- Feb 16, 2020
Maamulka Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku ...
Daawo:Faysal Falaalug Oo Buuhoodle Soo Gaadhay iyo Saraakiisha SSC Oo Soodhaweeyay.
- Feb 16, 2020
Hogaanka sare ee Jabhada Ssc Col.Cabdirashiid Xuseen Cali Iyo Saraakiisha Ssc Ayaa Maaanta ...