dahabshiil

Deg Deg Daawo:Dil Fool Xun Oo Ka dhacay Muqdisho,

Wararka ay heleyso khaatumonews  ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in isgoyska Howlwadaag lagu dilay Darawal Mooto Bajaaj, islamarkaana la dhaawacay ruuxii saarnaa Mootada.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in uu  darawalka Mooto Bajaajlaha uu dhowr xabadooda kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu baxsaday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dilka ka hor askariga iyo darawalka Mooto bajaajlaha uu muran dhexmaray wallow weli sirasmi ah loo helin sababta keentay khilaafka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa, waxaana sidoo kale dhaawaca ruuxa kale loo qaaday isbitaalka ku yaalla degmada Howlwadaag.

Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Xaaji xarago says:

    Askariga dilka gaystay wuxuu ahaa ilaalada khaaska ah ee madaxwaynaha Somalia…. Dhawaaan ayaa laga soo badalay deegaanka kaxandhaale…. Waxaanay warrarku intaa ku daraayaan IN askarigii dilka gaystay loola cararay kililka 5aad ee Ethiopia….. Dawladii waxay isku badashay meel shaad qabiil lagu laayo shacbiga

  2. LAFORUUGAAWI says:

    XAJIYO XARAGO AAN KU SAXEE WUXUU AHAA JAAJUUS ARGAGAXISADA MAAMULKA XAARGEYSA KA SOCDAY OO WELIBA OROMO DIREEYSAN AH.WAXAANA LA OGAADAY INUU DHUUSE XILDIID RRU DIISA KASOO BAXSADAY OO ICTIRAAF MOODAY IN BAJAAJLEEYDA LA DILO KKKKKKKKKKK
    WAA MID HABAABSAN.




script>
Deg Deg Daawo:Daahir Calasow Oo Si Diiran Cadaado loogu Soo Dhaweeyay iyo Ciidan Xoogan Oo Galbinaya
- Jun 25, 2019
Wariye Daahir Calasow ayaa soo gaadhay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka ...
Deg Deg:Wadahadalkii Maamulka Somaliland iyo Dawlada Somalia Oo Fashilmay Kadib Markii Dawlada Somalia Diiday.
- Jun 25, 2019
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland ...
Daawo:Ubax Fahmo Oo Soo Qaaday Hees Cajiib Ah Samir iyo Muqaal Qurux Badan,
- Jun 25, 2019

Wararkii Ugu Danbeeyay Xiisada u dhaxeysa dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay
- Jun 25, 2019
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray ...
Deg Deg:Deni Oo Kulan Isugu yeedhay Saraakiil Kala Ah Moorgan Cabdisamad Cali Shire Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xubno kale.
- Jun 24, 2019
Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ...