dahabshiil

Deg Deg:Digniin Loo Diray Shacabka Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana sii kordhaya qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ee magaalada ka geesanayaan dagaalyahanada hubeesan.

Shalay kaliya magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ku dhawaad 5-qarax oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wali magaalada ka jirta cabsi laga qabo in ay dhacaan qaraxyo iyo weeraro kale oo qorsheesan.

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada amni daro ee xiligan ka jirta magaalada Muqdisho iyo sida laamaha amniga ugu guul dareesteen in ay wax ka qabtaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xaalad amaan daro ay hada ka jirto guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan halista ku imaan karta noloshooda.

Waxa uu ugu baaqay Wasiirkii hore ee Amniga Shacabka Muqdisho in ay feejignaan galaan iskana yareeyaan socodka magaalada, waxa uu sidoo kale ka codsaday in aysan waqti badan joogin hoteelada iyo goobaha kale ee la beegsan karo.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku guul dareestay wax ka qabashada falalka amaan daro ee kusii kordhaya magaalada Muqdisho, waxaana magaalada si joogta ah uga dhaca qaraxyo , weeraro iyo dilal qorsheesan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Hassan says:

    WAA DIGNIIN CAS.
    WAXBA LAGAMA QABAN KARO XAALKA iyo AMMAANKA SOOMAALIYA OO KA SII DARAY.
    QOFKII HORE U JOOGAYOOW HADA KA BAX, QOFKII KU SOO SOCDAYOOWNA KA JOOG. MADAXDA U SARAYSA EE DALKU SIDA FARMAAJO, KHAYRE, GOLAYAASHA QARANKA IYO MADAXDA AMMAANKUNA WAA IN SI DEG-DEG AH ISKU WADA CASILAAN.
    ALLAA MAHAD LEH.

  2. Qaybdiid says:

    Muqdisho waxay bedeshay latinamerica, oo naftu aanay qiimo ku lahayn. Dawlada, dusha ayaa laga haystaa, oo dadka ka danbeeya qaraxa waa kuwa iska dhiga inay u soo gurmanayaan Somali. Dawladihii soo maray badi way ogaayeen, iyagoo ka qariya shacabka, meesha dhibtu uga imanayso. Somaliya ma Somali baa leh mise… kuwa wax qarxinaya. ” Dhaacaay xeradaan kuu fadhiyaa” baa haysta Somaliya. Allaah kariim

  3. DAACAD says:

    Wadan umadiisa aaney ka naxeyn waxna ugu fileyn,una yeedhay kuukuuyo iyo xabashi iney maamulaan.
    Hadaan caqli jirin cidina ay u maqneyn.
    Ilaahey leeyihiin.




script>
Deg Deg Daawo:Daahir Calasow Oo Si Diiran Cadaado loogu Soo Dhaweeyay iyo Ciidan Xoogan Oo Galbinaya
- Jun 25, 2019
Wariye Daahir Calasow ayaa soo gaadhay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka ...
Deg Deg:Wadahadalkii Maamulka Somaliland iyo Dawlada Somalia Oo Fashilmay Kadib Markii Dawlada Somalia Diiday.
- Jun 25, 2019
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland ...
Daawo:Ubax Fahmo Oo Soo Qaaday Hees Cajiib Ah Samir iyo Muqaal Qurux Badan,
- Jun 25, 2019

Wararkii Ugu Danbeeyay Xiisada u dhaxeysa dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay
- Jun 25, 2019
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray ...
Deg Deg:Deni Oo Kulan Isugu yeedhay Saraakiil Kala Ah Moorgan Cabdisamad Cali Shire Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xubno kale.
- Jun 24, 2019
Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ...