dahabshiil

War Deg Deg ah::Dagaalo culus oo saaka ka qarxay degaano ka tirsan Gobolka …

Kismaayo{ Khaatumonews }Dagaal  u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa saaka waaberigii ka qarxay degaano hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Bur-dheere, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inuu jiro khasaaro labada dhinac ay isku gaarsiiyeen dagaalkaas, inkastoo aan weli sirasmi ah loo helin tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka.

labada Maleeshiyo ee dagaalamaya ayaa isku-heysta dhul daaqsimeed halkaasi ku yaalla, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo horay loo kala dhex dhigay ay isaga soo baxeen, sidaasina uu mar kale dagaalka ku qarxay.

Beelahan ayaa horay Magaalooyinka Jowhar iyo Cadale loogu qabtay shirar dib u heshiisiin ah oo aan waxba ka soo bixin, waxaana lagu soo waramayaa in xaalad kacsanaan ah ay maanta ka jirto deegaanka Burdheere.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaan weli ka hadlin dagaalada ka soo cusboonaaday duleedka degmada Cadale.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo:Axmed Ismacil Samatar Oo La Weydiiyay Sababta Uu Sanadka Ugu Jaray Dabaaldaga SNM ee 18 May iyo Arrimo Kale,
- May 23, 2019
Siyaasiga weyn Ee reer Borama Axmed Ismaacil Samatar ayaa sanadka aan ka soo Muuqan ...
Deg Deg Daawo:Mucaaridka Dawlada soomaaliya iyo Xubno SNM ah Oo Ku Shiray Nairobi
- May 23, 2019
Nairobi{ Khaatumonews }Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay  Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ...
Deg Deg Daawo:Kooxdii Tuke Dacwda Ku Furtay Oo Hargaysa Ku Soo Laabtay,
- May 22, 2019
Baashe Cabdi yuusuf Waxaa uu kamid ahaa kooxdii Dacwada in lagu oogo Kornayl ...
Deg Deg Daawo:Wasiirkii Arrimaha dibada Soomaaliya oo ku geeriyooday qarixii Maanta
- May 22, 2019
Waxaaa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ...
Deg Deg Daawo:Live Dagaalkii Shalay SNM iyo Puntland Ku dhexmaray Damale Xagare,
- May 22, 2019
Shabakada Khaatumonews waxaa ay halkan Idiin kusoo Gudbinaysa muqaalka Dagaal shalay Ku dhexmaray ...