dahabshiil

Deg Deg:Madaxweynaha Maraykan Oo Go aan U Qaaday Samayn Ku yeelan Doona Amniga Somalia.

Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa uu wajihi doonaa halis dhaqaale oo xooggan, oo sababi karta in ciidamada badan ay ka baxaan Soomaaliya, kadib go’aan kasoo baxay maamulka madaxweyne Trump ee dalka Mareykanka.

Trump oo ku dhowaaqay miisaaniyadda dowladdiisa ee sanadda 2020, ayaa waxaa ku jiri dhimis xooggan oo lagu sameynayo lacagta Mareykanka uu ku caawiyo howl-galka Amisom ee Soomaaliya.

Qorshaha Trump ayaa ah inuu dhimso 65% lacagta Mareykanka uu ku bixiyo Amisom. Lacagtaas oo iminka ah sanadii 254 milyan oo dollar, ayaa waxaa laga soo reebi doonaa kaliya 90 milyan oo dollar. Qorshaha Trump ayaa waxaa ku jira in sanadaha xiga la joojiyo lacagtaas gebigeed.

Go’aanka Trump ayaa xaaladda kusii xumeyn doonta Amisom, oo markii horeba wajahaysay dhimis 20% oo ka timid Midowga Yurub.

howaan ayaa waxaa taagnaa muran xooggan oo u dhaxeeyay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika, oo ku saabsan in la yareeyo ciidamada. Burundi, oo ciidamo kun askari ah laga dhimay iyo sidoo kale Uganada oo wajahaysa ayaa aad uga hor yimid, kuna hanjabay inay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika oo inta badan ku tiirsan dhaqaalaha Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa qasab ku ah inuu ciidamada dhimo ama ka yareeyo mushaharka marka ay lacagta yaraato. Ciidamada Amisom oo markii ay imanayeen Soomaaliya qaadan jiray bishii 1500 oo dollar askarigiiba, ayaa hadda sidii lacagta looga jarayey qaata 825 dollar.

Haddii sanadka xiga lacagta Mareykanka ay 65% hoos u dhacdo, waxaa qasab noqon doonto in kumanaan askari oo kale oo Amisom ah dalka laga saaro.

Dalalka Yurub iyo Mareykanka ayaa toban sano kadib garwaaqsaday in Amisom aysan waxba kusoo kordhin Soomaaliya, waxayna ka fakarayaan qorshooyin kale oo ay Soomaaliya ku caawin karaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Halgan says:

    Meesha waa inay tagaan ciidamo. Maraykanka turkI. Yurub. Waayo african waa african. Inay iska joogaan. Dan umaha soMali. African iyo carab. Waxay ku shaqeeyaan. Siyasada qabiilka waayo ayagaa sida somalida wadna dood qabil qabiil isu haysta. .farmaajo waa Inuu wadanka keenaan cidan turkiga maraykanka. Garan siis.uk .si mamulgoboleed walba xarun igadamaystaan. Dhamaan somaliya bada iyo bariga. Laakiin african iyo carab way ugasiidaren wadanka. Waxay rabaan. Inay lacag ku helaan. Xeryaha ay degnyhiin.muda dheer halka askarigii somaliyeed 100 dolar la siiyo wadankiiisii. Uu kasoo jeeday.

  2. Madaxbuur says:

    Qadaad weyn.
    Caqliga Allah idinka qaad.
    Maad tidhaahdid waar aynu si wax yeelo oo isu nimaadno oo dhulkeena ilaashano
    Intaad toban maamul iyo rag kale ka sugaysaan in ay idin ilaaliyaan.




script>
Daawo:Axmed Ismacil Samatar Oo La Weydiiyay Sababta Uu Sanadka Ugu Jaray Dabaaldaga SNM ee 18 May iyo Arrimo Kale,
- May 23, 2019
Siyaasiga weyn Ee reer Borama Axmed Ismaacil Samatar ayaa sanadka aan ka soo Muuqan ...
Deg Deg Daawo:Mucaaridka Dawlada soomaaliya iyo Xubno SNM ah Oo Ku Shiray Nairobi
- May 23, 2019
Nairobi{ Khaatumonews }Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay  Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ...
Deg Deg Daawo:Kooxdii Tuke Dacwda Ku Furtay Oo Hargaysa Ku Soo Laabtay,
- May 22, 2019
Baashe Cabdi yuusuf Waxaa uu kamid ahaa kooxdii Dacwada in lagu oogo Kornayl ...
Deg Deg Daawo:Wasiirkii Arrimaha dibada Soomaaliya oo ku geeriyooday qarixii Maanta
- May 22, 2019
Waxaaa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ...
Deg Deg Daawo:Live Dagaalkii Shalay SNM iyo Puntland Ku dhexmaray Damale Xagare,
- May 22, 2019
Shabakada Khaatumonews waxaa ay halkan Idiin kusoo Gudbinaysa muqaalka Dagaal shalay Ku dhexmaray ...