dahabshiil

Deg Deg:Halis Soo Food Saartay Shirkada Facebook

Barta Facebook ee ay bulshadu ku xiriirto ayay soo wajahday ciladdii ugu waynayd taariikhda, iyadoo adeegyadii ugu mihiimsanaa ay cilado galeen, dadka dunida kala jooga ee isticmaalana ay adeegsan waayeen Arbacadii.

Markii ugu dambaysay ee cilad baaxadan ku dhaw ay soo wajahdo waxay ahayd sannadkii 2008, markaas oo dadka isticmaala ee dunidu ay ahaayeen 150 milyan halka ay hadda bil kaste ka isticmaasho 2.3 bilyan oo ruux.

Cilladan ayaa saamaysay adeegyada ugu waawayn Facebook sida labada App ee Messenger iyo WhatsApp oo fariimaha la isaga diro iyo Instagramka oo sawirrada lagu wadaago.

“Waxaan ka war qabnaa in dadka qaar ka mid ah aysan hadda isticmaali karin Facebook iyo App-ka ay isku bahda yihiin” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Facebook.

“Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ciladdan loo soo af jari lahaa sida ugu dhakhso badan”.

Shirkadda oo ka jawaabaysa warar la isla dhex maray oo sheegaya in shirkaddu ay adeegga u joojisay si ay u baajiso weerar dhanka Internetka ah oo lagu soo qaaday, ayaa sheegtay in arrintu aysan sidaas ahayn.

Wali lama shaacin waxa sababay ciladdan.

Waxaa la qiyaasayaa in cilladani ay billaabatay 16:00 GMT ama 7:00 fiidnimo ee saacadda Bariga Afrika.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaana billaabay in ay ka cawdaan in aysan waxba ku qori karin ama sawirro dadka la wadaagi karin.

Dadka Instagram-ka isticmaala ayaa iyaguna awoodi waayay in ay bogga cusboonaysiistaan si ay sawirro cusub u arkaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo:Axmed Ismacil Samatar Oo La Weydiiyay Sababta Uu Sanadka Ugu Jaray Dabaaldaga SNM ee 18 May iyo Arrimo Kale,
- May 23, 2019
Siyaasiga weyn Ee reer Borama Axmed Ismaacil Samatar ayaa sanadka aan ka soo Muuqan ...
Deg Deg Daawo:Mucaaridka Dawlada soomaaliya iyo Xubno SNM ah Oo Ku Shiray Nairobi
- May 23, 2019
Nairobi{ Khaatumonews }Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay  Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ...
Deg Deg Daawo:Kooxdii Tuke Dacwda Ku Furtay Oo Hargaysa Ku Soo Laabtay,
- May 22, 2019
Baashe Cabdi yuusuf Waxaa uu kamid ahaa kooxdii Dacwada in lagu oogo Kornayl ...
Deg Deg Daawo:Wasiirkii Arrimaha dibada Soomaaliya oo ku geeriyooday qarixii Maanta
- May 22, 2019
Waxaaa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ...
Deg Deg Daawo:Live Dagaalkii Shalay SNM iyo Puntland Ku dhexmaray Damale Xagare,
- May 22, 2019
Shabakada Khaatumonews waxaa ay halkan Idiin kusoo Gudbinaysa muqaalka Dagaal shalay Ku dhexmaray ...