dahabshiil

Deg Deg::Ciidanka Jiida Oo Qarka U Saaran Inay Baneeyan Furinta iyo Sababta Ka danbeysa

Muqdisho{ Khaatumonews }Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee kusugan furumaha hore ee dagaalka  ayaa lagu soo waramayaa in ay qarka u saaran yihiin in ay kasoo baxaan aaga dagaalka ,kadib duruufo adag oo lasoo darsay.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa ka cabanaya in dhoor bilood aysan qaadan wax mushaar ah, waxa ay sidoo kale ciidankan sheegeen in mushaar la’aanta heesata ugu darsantay garaamkii ay cuni jireen oo hadana waayeen.

Qaar kamid ah ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan furumaha dagaalka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in xaalad adag ku sugan yihiin ayna helin mushaarkooda mudo afar bilood ah, waxa ayna sheegeen in dantu ku kalifi karto in aaga kasoo baxaan.

Ciidankan ayaa sheegay in xaasaskooda iyo caruurtooda aysan siin mudo dhowr bil ah wax biil ah, waxa ayna xuseen in guryo kiro ku jiraan sidoo kale daawo iyo waxbarasho u baahan yihiin caruurtooda balse aysan awoodin in ay wax taraan maadama aysan heli boqolkii dollar ay mushaar ahaanta u heli jireen mudo dhoor bil ah.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku faani jirtay in ay bil waliba bixiso mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha dowlada, hasa ahaatee bilihii lasoo dhaafay ayaa ciidanka mushaarkooda si toos ah u helin iyaga oo sidoo kale hada waayay garaamkii.

Ciidanka xooga Soomaaliya ayaa hadii ay kasoo baxaan furumaha dagaalka waxa ay fursad u noqoneysaa kooxaha dowlada kasoo horjeeda, waxaa sidoo kale halis gali kara amaanka Muqdisho hadii ciidanka ka howgala aysan helin mushaar iyo wax ay cunaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. abdiman says:

    Also hasahlo

  2. DAACAD says:

    mushaharka askartii wadanka difaaceysey yaa cuney oo lunsadey?
    Hala weydiiyo kuwa aan shacabku dooran ee la idiin doorey iney idin maamulaan.
    Walee kuukuuyo ,xabashi, iyo afrikaankaasaa soomaaliya yeelanaaya.

  3. Saeed says:

    mushaharkii Ciidamadda Somalia loogu talo galay waa lacagta madaxweynaha iyo Raysalwasaaha diyaarada marba dhinac ugu raacayaan.Safaro madhalays ah oo aan ummadda somaliyeed wax faa’ido u lahayn oo lagu dhex wareegayo kuukuyo iyo xiiraan uraya waxay yihiina jirin.




script>
Daawo:Axmed Ismacil Samatar Oo La Weydiiyay Sababta Uu Sanadka Ugu Jaray Dabaaldaga SNM ee 18 May iyo Arrimo Kale,
- May 23, 2019
Siyaasiga weyn Ee reer Borama Axmed Ismaacil Samatar ayaa sanadka aan ka soo Muuqan ...
Deg Deg Daawo:Mucaaridka Dawlada soomaaliya iyo Xubno SNM ah Oo Ku Shiray Nairobi
- May 23, 2019
Nairobi{ Khaatumonews }Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay  Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ...
Deg Deg Daawo:Kooxdii Tuke Dacwda Ku Furtay Oo Hargaysa Ku Soo Laabtay,
- May 22, 2019
Baashe Cabdi yuusuf Waxaa uu kamid ahaa kooxdii Dacwada in lagu oogo Kornayl ...
Deg Deg Daawo:Wasiirkii Arrimaha dibada Soomaaliya oo ku geeriyooday qarixii Maanta
- May 22, 2019
Waxaaa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ...
Deg Deg Daawo:Live Dagaalkii Shalay SNM iyo Puntland Ku dhexmaray Damale Xagare,
- May 22, 2019
Shabakada Khaatumonews waxaa ay halkan Idiin kusoo Gudbinaysa muqaalka Dagaal shalay Ku dhexmaray ...