600 Deg Deg Daawo Video:Kulan dag dag ah oo dawlada Soomaaliya u Fadhiisatay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Kulan dag dag ah oo dawlada Soomaaliya u Fadhiisatay,

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Booliska ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay dadkii shacabka ahaa ee shalay sida naxariis darada ah loogu laayay deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay dhacdada lagu laayay dadkii ka shaqeenayay olalaha nadaafada iyo sidii loo ogaan lahaa cidii ka dambeesay falkaasi lagu laayay 9-ka qofood ee haweenka u badnaa.

Wasiirka Amniga iyo taliyaha ciidanka booliiska ayaa faray saraakiisha laanta dambi baarista booliiska ee CID-da in baaritaano deg deg ah ku sameeyaan falkaasi dadka shacabka ah lagu laayay sida ay u ku dhacday iyo cidii ka dambeesay.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xarunta Dambi baarista CID-da looga yeeray maamulka deegaanka Lafoole iyo saraakiisha amaanka deegaankaasi, kuwaa oo wax laga weediinayo dadka la laayay iyo sida amaankooda loo dayacay.

Wasaarada Amniga gudaha Soomaaliya ayaa dooneysa in la helo meel loo raacdo dadka sida gardarada ah loo laayay, waxa ayna Wasaarada amartay in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay falkaasi foosha xun ee shacabka lagu laayay.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dadkan shacabka ah ee lagu laayay deegaanka Xaawa Cabdi ee kuyaala inta u Dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, maamulka Shabeelaha Hoose ayaan weerarkan ku eedeeyay Al Shabaab.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...