600 War Deg Deg Ah:Banaanbax Looga Soo Hor jeedo Madaxweynaha Falastiin iyo Sababta Ka Danbeysa!? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Banaanbax Looga Soo Hor jeedo Madaxweynaha Falastiin iyo Sababta Ka Danbeysa!?

Banaanbax balaaran oo shacabka reer Falastiin ee Gaza ay Axadii qabteen ayey ku codsadeen inuu xilka iska casilo Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas.

Cabaas ayaa lagu eedeeyey inuu cadaadis dhaqaale saaray maamulka Xamaas ee ka taliya Gaza.

Maxamuud Cabaas oo la doortay sanadkii 2005 ayaa xilkiisa ku ekaa 2009, balse illaa iyo hada laguma guuleysan in la qabto wax doorasho ah.

Xiisada u dhaxeysa xisbiga Cabaas ee Fatax iyo Xamaas ayaa muddo dheer soo jiitameysay, Xamaas ayaa iyadu awood militari kula wareegtay maamulka Marinka Gaza sanadkii 2007, halka Fatax ay weli ka taliso Daanta Galbeed ee wabiga Urdun oo ku hoos jirta dhulka Israel heysato.

Inkastoo Xamaas maamusho Gaza ayey hadana saaran tahay xayiraad bad iyo beri ah oo ay dul dhigeen ciidamada Israel, xayiraadaasi oo soo socotay muddo ka badan 10 sano ayaa dhaawac weyn u geysatay dhaqaalaha shacabka Gaza, waxaana usii dheer cadaadiska uga imaanaya maamulka Maxamuud Cabaas oo mushaharaadkii ka jaray shaqaalaha ka shaqeeya Gaza ee hoostaga maamulka Xamaas.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...