600 Deg Deg Daawo Video:-Iran oo Dhoolatus Cir iyo Bad ah ku Soo Bandhigtay Badda Cumaan iyo marinka Hormuz | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:-Iran oo Dhoolatus Cir iyo Bad ah ku Soo Bandhigtay Badda Cumaan iyo marinka Hormuz

Dowlada Iiraan ayaa dooneysa in ay ku cabsi galiso Wadamada cadaawada kala dhaxeyso awooda ay leeyihiin ciidankooda kala duwan, waxa ayna Ciidamada Iiraan bilaabeen in ay sameeyaan dhoolotusyo aan caadi aheyn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada Badda ee Iiran ayaa shalay Badda Cumaan iyo marinka Hormuz ka bilaabay dhoolotus la sheegay in uu soconayo mudo isbuuc ah, waxa ayna ciidankan soo bandhigayaan awoodooda iyo sidoo kale maraakiibta dagaal ay heestaan.

Dhoolatuskan ay sameenayaan ciidamada Iiraan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka iyo maaraakiibta dagaalka ee Iran oo uu ku jiro Gujiskii ugu horeeyey oo ay sameysatay dowlada Iran.

Dowlada Iiraan ayaa sheegtay in Gujiska ay sameesteen uu xambaari karo gantaalada ridada dheer isla markaana uu gunta hoose ee badda ku jiri karo muddo 5 todobaad ah, waana tijaabadii ugu horeysay oo uu maro markabkan dagaal.

Taliyaha ciidamada badda ee Iran Hossein Khanzadi ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid lagu diyaarinayo dhamaan qalabka dagaalka ee wadanka Iran heysto kaasi oo uu sheegay inay ku kooban tahay is-difaacid.

Waxa uu sidoo kale taliyaha sheegay in dhoolotuskan ay ciidankooda sameenayaan uu cabsi badan ku abuurayo cid walbo oo cadaw ku ah Iiraan sidoo kale dooneysa in ay kusoo gardarooto.

Dhoolotuskan ay sameeyeen ciidamada Iiraan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dalka Poland lagu qabtay shir ay soo abaabulaeen Mareykanka iyo Isra’il oo looga hadlayay Qatarta Iiraan, waxaana shirkan ka qeyb galay Wadamada Khaliijka Carabta.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...