600 Deg Deg:Kismaayo Dhabar Jabisay Dalka iyo Qaadka Kenya Ka Soo Dagaya Maanta | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Kismaayo Dhabar Jabisay Dalka iyo Qaadka Kenya Ka Soo Dagaya Maanta

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegaya in ganacsatada Khaadka ee magaalooyinkaasi ay raaceen go’aankii ay qaateen Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inay Khaadka ka keenaan dalka Kenya, iyadoo ganacsatada Kenya ku hanjabeen inay Jaadka Somalia joojin doonaan.

Laakiin waxaa soo baxaya warar sheegaya in wali Ganacsatada Kismaayo go’aan aysan qaadan inay joojiyaan Khaadka ay ka keenaan dalka Kenya, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka keeni doonaan.

Xaawo Cabdi Cali oo kamid ah ganacsatada Khaadka ka keena dalka Kenya kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegtay inay gabi ahaanba joojiyeen Khaadka ay ka keeni jireen dalka Kenya islamarkaana ay raacsan yihiin go’aankii Ganacsatada Muqdisho.

“Waxaan kamid ah Khaadka dadka Kenya ka keensada, waxaan hadda kadib garab taaganahay dowladeyda, waana joojinay inaan Khaadka ka keeno Kenya, dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, kama safan karno qarankeena”ayuu yiri Xaawo Cabdi.

“Dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, Kenya inaga kuma noolin ee iyagaa nagu nool, malaayiin doolar ayaa maalin walbaa nagala qaataa, inaga waxba nagama soo galaan”.

Kismaayo ayaa Khaadka looga keena doomo dhanka xeebta soo mara, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka soo dajin doonaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...