600 Deg Deg Daawo Video:Kenya oo Sadex Shuruud ku Xidhay in xal laga Gaadho Xiisada kala dhaxeysa Somalia !! | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Kenya oo Sadex Shuruud ku Xidhay in xal laga Gaadho Xiisada kala dhaxeysa Somalia !!

Nairobi{ Khaatumo news }Waxaa meeshii ugu xumaa gaaray Xiriirka Dublumaasiyadeed ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii Xukuumada Nairobi ay shaacisay in xiriirka Diblumaasiyadeed u jartay Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xiisada Diblumaasiyadeed ee hada u dhaxeeya labada wadan ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, waxa ayna dowlada Kenya shuruudo adag ku xirtay in xal laga gaaro xiisada Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya.

Kenya ayaa sadexdan Shuruud ku xirtay Wadahadal Diblumaasiyadeed ay la yeeshaan Soomaaliya.

1-      In Somalia ay sida ugu dhaqsaha badan kaga laabato Khariidada lagu soo bandhigay Shirweynihii Dhaqaalaha ee dhawaan lagu qabtay magaalladda London, oo ay Somalia ku sheegatay xuduud-baddeedka Kenya.

2-       Inay DFS u sheegto kuwa iibsaday Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska ee Xaraashkii London inay Somalia lahayn Deegaankaas waa sida ay hadalka u dhigeen.

3-      Dowladda Kenya waxay kaloo doonaysaa in Xalka Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya labada Waddan in xal saaxiibtinimo (xaalmastuur) oo la isla oggol yahay wada gaaraan oo ka baxsan Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Masuul katirsan Dowlada Kenya ayaa sheegay in shuruudahan hadii ay Soomaaliya ogolaato macquul tahay in lawada hadlo xalna laga gaaro xiisada diblumaasiadeed ee hada labada wadan u dhaxeysa.

Dowlada Kenya ayaa ujeedkeeda ugu weyn yahay in Soomaaliya ka laabato Dacwada Muranka Badda ee kala dhaxeeya dowlada Kenya, waxa ayna Kenya rumeesan tahay hadii Maxkamada dacwadan loo daayo in aysan waxbo heleyn oo guul dareesaneyso.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...