600 Deg Deg Daawo Video:Dawlada Soomaaliya Sheegtay War Ka Nixiyay Somaliland | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Dawlada Soomaaliya Sheegtay War Ka Nixiyay Somaliland

Muqdisho{Khaatumonews}Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay waxyaabaha ugu horeeya ee ay qaban doonaan guddiga soo celinta hantida qaranka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Goodax oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddigaasi oo uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hantida lasoo celinayo kaliya inaan laga celin doonin magaalada Muqdisho.

Dhamaan gobolada dalka Soomaaliya ayuu sheegay in hantidaasi laga soo celin doono, islamarkaana wuxuu cadeeyay in gobolada waqooyi “Somaliland” ay ku jiraan meelaha laga soo celinayo hantida.

Guddoomiyaha Guddiga soo celinta Hantida qaranka ayaa sidoo kale sheegay in la isla gartay in wasaarad walbaa laga doonayo ugu yaraan inay soo celiso kana shaqeysiiso seddex hanti qaran oo cidna aysan ku jirin iyo ugu yaraan labo Hanti Qaran oo shaqsiyaad ama shirkado ay gacanta ku hayaan.

Taasi ayaa ka dhigan in wasaarad walbaa laga doonayo inay soo celiso seddex Hanti qaran islamarkaana ka shaqeysiiso.

Waxaa la isweydiinayaa sida xukuumadda Soomaaliya ay usoo celin doonto goobaha dowladda ee ku yaala gobolada waqooyi ee dalka, iyadoo la og yahay in gobolada waqooyi ka dhismay maamulka Somaliland tan iyo burburkii dalka.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda ma uusan sheegin hanaanka ay dhaqan gelinta qorshahaasi u mari doonaan, balse wuxuu cadeeyay inay ku jiraan qorshayaasha ay isku fahmeen guddigan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...
Deg Deg:Ciidanka Itoobiya Oo Buuhoodle Ku Xidhay 40 oday,
- Jan 18, 2021
Xaalada Magaalada Buuhoodle, ayaa saaka kacsan kadib isfahan waa ka dhashay dilal ka ...
Deg Deg Daawo; Xildhibaan Mahad Salaad Oo Eedayn U Jeediyey Farmaajo
- Jan 18, 2021
Xildhibaan Mhada Salaad Oo kamid Ah Xildhibanada Dawlada FedraalkaA Soomliya Ayaa Eedayn Kulul U ...
Daawo:Shir Buuhoodle Ku Dhexmaray Garaad Cabdirisaaq iyo Saraakiil Itoobiyan ah Iyo Hanjabaad Ay diren,
- Jan 17, 2021
Garaad Abdirisaaq oo Kulan Gaar ah la Qaatay Wafti ka socda Dawlada DeegaankaSoomaalida itoobiya ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Dib u Qabsan Lahaa Sool,
- Jan 17, 2021
Xukumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa Labadi Sane ugu danbysay waday Qorshaha dhisme ciidan ...