600 War Deg Deg Daawo video:Shir lagu Qorshaynaayo Duulaan lagu Qaado Iran oo ka furmay Poland | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Daawo video:Shir lagu Qorshaynaayo Duulaan lagu Qaado Iran oo ka furmay Poland

Shir ay isugu yimaadeen qaar kamid ah dalalka Carabta, Israel, Maraykanka iyo xulafadiisa oo looga hadlaayo nabadgelyada gobolka bariga dhexe, ayaa ka furmay magaalada Warsaw ee dalka Poland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence, Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo, Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo xubno kale oo kamid ah xulufada Maraykanka ayaa ka qayb galay shirka ka furmay magaalada Warsaw.

Muhiimadda shirku waa in si qoto dheer looga hadlo xaaladda dalka Iran, oo Maraykanka iyo xulafadiisu aamisan yihiin in ay khatar ku tahay amniga bariga dhexe.
Ka qaybgalka shirkaan waxaa ka gaabsaday wadamo badan oo uu kamid yahay Ruushka, halka dalalka Midowga Yurub ay direen wafuud heer hoose ah.

Israel, Sucuudiga, Imaaraatka iyo Maraykanka shirka ka dhex wada olole ay ku doonayaan in tilaabo meleteri laga qaado Dowladda Iran oo ay u arkaan in ay uga itaal roonaatay saameynta gobolka bariga dhexe.

Dowladda Iran oo ka hadashay shirkaas ayaa ku tilmaantay mid fashilmay waxayna tusaale usoo qaadatay madax badan oo kamid ah kuwii lagu casumay kana baaqday shirka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...