600 War Deg Deg Ah::-Madaxweyne Jiritaanka Soomaaliya Dafiray oo Muqdisho imaanaya | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::-Madaxweyne Jiritaanka Soomaaliya Dafiray oo Muqdisho imaanaya

Muqdisho{Khaatumonews}Madaxweynaha dowlada Uganda Yoweri Museveni ayaa lagu wadaa in booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, kadib casuumad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

War kasoo baxay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu booqasho kutagayo magaalada Muqdisho uuna casuumad ka helay dhigiisa Soomaaliya.

Lama shaacin wali xiliga rasmiga ah uu booqashada ku imaanayo magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Uganda, waxa ayna booqashadan noqoneysa mid xoojisa xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahu Framaajo ayaa magaalada Adis Ababa isbuucan kula kulmay Madaxweynaha Uganda , waxa uuna ku martiqaaday magaalada Muqdisho si uu u arko isbadalka jira iyo hor marada dowladiisu gaartay.

Booqashada Madaxweynaha Uganda Muqdisho ku imaanaya ayaa kusoo aadeysa xili uu dhawaan ka dhawaajiyay hadal dad badan oo Soomaaliyeed ka careesiiyay, kadib markii uu Soomaaliya ku tilmaamay dal aan laheyn dowlad fiican oo shaqeysa

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021