600 Deg Deg:Wasiir iscasilay? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Wasiir iscasilay?

Mid ka mid ah wasiirradii uu magacaabay madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, kaddib markii uu sheegay in xilkaas uu ku qanci waayay.

C/salaan C/llaahi Yalaxoow (Catoosh) oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka, isla markaana ah xildibaan ka tirsan baarlamaanka Koonfur-galbeed ayaa  noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee iska casilay golaha wasiirrada Koonfur-galbeed.

Wasiir ku-xigeenkii is-casilay ayaa sheegay inuu mudnaa xil ka weyn midka uu madaxweynaha Koonfur-galbeed u magacabay shalay, waxaa tani ay ka mid noqonaysaa caqabadaha lasoo darsa wasiirrada la magacaabo.

Sidoo kale, Yalaxoow ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeeday ay filesyay wasiir buuxa inay ka helaan golaha wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen.

Dhanka kale, C/salaan Catoosh, ayaa ka mid ahaa Wasiir ku-xigeennadii uu Madaxweynaha Koonfur-galbeed magacaabay, ayaa wasiirrada hambayo u diray, isagoo ku boorriyay inay kasoo baxaan xilalka loo magacabay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo horay u magacaabay xilal wasiir, ayaa haddana wuxuu shalay wuxuu dhameystiray xubnihii ka dhinnaa golaha wasiirrada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...