600 Darawal malaayiin doolar la baxsaday | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Darawal malaayiin doolar la baxsaday

Labo nin oo ka shaqeeya in ay lacagaha kala gudbiyaan oo dalka Faransiiska kusugan ayaa amakaagay ka dib markii ay waayeen baskii ay wateen oo lacag ka buuxday iyo qofkii saddexaad ee la shaqaynayay.

Gaarigii ayaa laga helay meel aan sidaa uga fogayn meeshii ay ku sugnaayeen, balse waxaa la waayay darawalkii 28 jirka ahaa iyo lacagtii saarnayd oo kor u dhaafaysay saddex milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Gurigii uu aaday ayaa lagu bartilmaameedsaday waxaana la helay qaar ka mid ah lacagtii.

Qofka laga shakisan yahay ayaa magaciisa lagu sheegay Adrien Derbez waxaana lagu xiray caasimadda fiidnimadii Talaadada.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in wali la la’yahay lacag lagu qiyaasay in kabadan 1.5 milyan oo doolaar.

Lacagtan ayaa lala baxsaday subaxnimadii hore ee Isniinta 06:00 subaxnimo, saddexdan shaqaale ayaana lacagta gaynayay goob kale sidii ay shaqadoodu ahayd iyaga oo saaran bas ay shirkad dhanka ammaanka ka shaqaysa leedahay, lacagta waxaa iska lahaa waax ka tirsan xawaaladda Western Union oo ku taalla duleedka magaalada Paris.

Labo ka mid ah shaqaalaha ayaa bixiyay lacag laga dalbaday, darawalkii ayaana laga codsaday in uu lacagta kale sii ilaaliyo.

Balse markii ay soo laabteen ayay waayeen darawalkii iyo gaarigii ay lacagtu ku jirtay, sida ay ilo ka tirsan booliisku u sheegeen wakalaadda wararka ee AFP.

Meel aan sidaas ooga sii fogaynna baskii ay lacagtu saarnayd ayaa la arkay isaga oo albaabadu u balaqan yihiin oo maran.

Talaadadii ayay booliisku dalbadeen dadkii goobjoogga ahaa waxayna baahiyeen sawirka Derbez.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021