600 Fadeexad weyn Oo Sacuudiga lagu helay +gilgishay Qoyska Aala Sacuud | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Fadeexad weyn Oo Sacuudiga lagu helay +gilgishay Qoyska Aala Sacuud

Fadeexado hor leh ayaa kusoo baxay maamulka Aala sacuud ee ka arrimiya dhulka xarameynka ee sacuudiga loo yaqaan.

warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dowladda sacuudiga ay lacago malaayiin dollar ah siisay mas’uul sare oo katirsanaa dowladda Ingiriiska.

Warbixinta ayaa xaqiijisay in dowladda aala sacuud ay lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah siisay Tooni Baleyr R/wasaarihii hore ee dowladda Ingiriiska, lacagtan oo qaab laaluush ah loo bixiyay ayay sacuudigu ku bedelanayeen in taageero siyaasadeed ay ka helaan Ballayr uuna bogaadiyo qorshaha Max’med Bin salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada aala sacuud.

Wargeyska ayaa sheegay in shirkadda baaritaannada iyo suuq geynta sacuudiga ay toban milyan oo doollar udirtay machadka tooni ballayr uu madaxda ka yahay oo lagu magacaabo “isbedelka caalamiga ah”

.

Mas’uul u hadlay xafiiska Tooni Ballayr ayaa xaqiijiyay in lacagtaas ay ka heleen dowladda sacuudiga balse wuxuu diiday in ay aheyd mid laaluush ah wuxuuna ku tilmaamay qarash uu sacuudigu ku taageerayay mashruuca machadkiisu ka wado mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe.

Dowladda sacuudiga ayaa caan ku ah in lacago Malaayiin dollar ah ay kula saaxiibto Ururo iyo dowlado halka gaajo ay udhimanayaan malaayiin qof muslimiin ah oo hantidooda ay xoog ku boobtay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...
Deg Deg:Ciidanka Itoobiya Oo Buuhoodle Ku Xidhay 40 oday,
- Jan 18, 2021
Xaalada Magaalada Buuhoodle, ayaa saaka kacsan kadib isfahan waa ka dhashay dilal ka ...
Deg Deg Daawo; Xildhibaan Mahad Salaad Oo Eedayn U Jeediyey Farmaajo
- Jan 18, 2021
Xildhibaan Mhada Salaad Oo kamid Ah Xildhibanada Dawlada FedraalkaA Soomliya Ayaa Eedayn Kulul U ...