dahabshiil

Deg Deg:Ciidamo Duqeeyey xaafado ay daganayeen muslimiinta Rohinga.

Ciidamada Mileteriga ee dalka Mayanmar ayaa bilaabay in ay duqeeyaan xaafado,isla markaana dadka rayidka ah ka hor-istaagaan in ay helaan raashin iyo kaalmooyinka hey’adaha,iyadoo ay sii xoogeysanayaan kooxaha muslimiinta Arakan ee la dagaalama dowladda dalkaasi.

Dagaaladaan oo ka dhacaya gobolka Rakhine ,gaar ahaan Woqooyi Galbeed,waxa ay sababeen in ciidamada Mayanmar ay barakiciyaan kumanaan ruux oo muslimiin ah sida ay ku warantay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Aadanaha.

Warbixin ay soo saareen maanta ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ee dalka Mayanmar ay adeegsanayaan sharci mugdi ku jiro oo lagu heynayo dadka rayidka ah ee lagu tuhmo in ay gacan ka geysanayaan dagaalada kooxaha Arakan ee la dagaalama dowladda dalkaasi.

Dagaalada u dhexeeya dhinacyada dalka Mayanmar ayaa soo xoogeystay bishii Janaayo ka dib markii kooxaha Arakan ay weerareen xarun Boliis ah,isla markaana ay dileen 13 sarkaal.

Tirana Hassan, maamulaha Hey’addaasi ayaa sheegtay in ciidamada ay duqeynayaan xaafadaha la degan yahay, isla markaana ay qaadanayaan sahayda raashinka ,taasina ay tahay meel ka dhac iyo wax aan la qaadan Karin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Weeraray Beesha Calamka iyo Mucaaridka Xili Nairobi Shir Adag ka Socdo
- Apr 21, 2019
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka & ...
Hogaanka Maamulada Oo Beesha caalamka u gudbiyay Dhaliilaha DF & Labo qodob oo ay ka doonayaan Caalamka,
- Apr 21, 2019
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay wali socdaan kulamada ...
War Deg Deg Ah Daawo:Lix Qarax Oo Ka dhacay Kaniisad iyo Khasaare Baaxad leh Oo ka dhashay.
- Apr 21, 2019
Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ilaa 200 ...
Deg Deg::Raysal Wasaare Khayre Oo Beeniyay War laga Faafiyay,
- Apr 21, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal, ayaa la waydiiyay ...
Daawo:Fadeexad Hargaysa ka Soo Muuqatay
- Apr 21, 2019
magaalada Hargeysa ayaa maalmihii dambe waxa ka curtay roobabkii Gu’ga, iyadoo maalintii Jimcihii uu ...