dahabshiil

Boqol carruur ah oo cudur halis ah uu laayay

Ku dhawaad boqol carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola, waxaana la filayaa in tiradaasi ay sii kororto.

Hay’adda samafalka ee Save the Children ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo.

In ka badan shan boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana cudurka xilligan lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee wadankaasi soo mara.

Ilmaha ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhawaadaan dadka qaba xanuunka, isla markaana ay sababi karaan sii faafidda cudurka, maadaama uu Ebola ku faafo taabashada dhacaanka dadka qaba.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola, balse waa markii ugu horreysay ee uu si ba’an uga dilaacay bariga dalkaasi.

Qaar ka mid ah bulshada uu saameeyay xanuunka ayaa colaad kala hortaga hawlwadeennada caafimaadka, halka xooggaga hubaysan ee gobolkaasi ka dagaallamana ay caqabad ku noqdeen ka falcelinta Ebola.

Hay’adda Save the children ayaa sheegaysa in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da’da shan jirka

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo Video:Muuse Biixi Oo lagu Bahdilay Addis Ababa iyo Axmed Shide Oo Soo Dhaweeyay?
- Feb 20, 2019
Waxaa magaalada Addis ababa caasimada dawlada itoobiya maanta soo gaadhay madaxweynaha maamul beeleedka snm ...
War Deg Deg Ah:Kulan kii Farmaajo Iyo Muuse Biixi Oo Fashil Ku Dhow iyo Wararkii ugu Danbeeyay+Maxaase La isku Haya!?
- Feb 20, 2019
Jabuuti{ Khaatumonews }Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ...
Deg Deg Daawo Sawiro:Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo…..
- Feb 20, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi Oo Khiyaamo Halis Badan u Jilaaya shacabka SNM
- Feb 20, 2019
Waxaa maanta magaalada hargaysa ka dhoofay madaxweynaha maamul beeleedka snm muuse biixi cabdi iyo ...
Deg Deg Daawo Video:Itoobiya Qaaday Talaabo Argagax Galisay Kenya!?
- Feb 20, 2019
Dawlada Itoobiya ayaa qaaday talaabo aysan mahadin dawlada Kenya kadib khilaafkii ...