dahabshiil

Qiso Cajiib Ah Oo Ka Dhacday Magaalad Qardho ee Puntland

Qardho{ Khaatumonews Gabar ku nool magaalada Qardho oo lagu magacaabo Ruun Cali Cabdi ayaa waxa ay lahayd bisad ay aad u jeceshahay. Bisadii ayaa ka jabtay ka dib markii ay dhagax kaga dhufteen carruur yaryar.

Ruun waxa ay ku dadaashay sidii ay u heli lahayd cid u kabta bisadda, balse kuma aanay guulaysan oo waa ay ka bakhtiday. Gabadhaasi ayaa murugo badan ka qaaday geerida bisadda.

Waxa ay xiriir la samaysan wasaaradda xanaannada xoolaha ee magaaladeeda balse kama aanay helin wax caawin ah.

Sheekada Ruun iyo bisadeeda ayaa hadal hayn ka dhalisay baraha ay ku wada xiriiraan bulshada Soomaaliyeed, waxaana dadka qaar ay ku tilmaameen “qof waalan oo magac raadis ah.”

“Bisadeydu xitaa hilibka cayriinka ah ma aanay cuni jirin, oo waxaan usoo iibin jiray buskud iyo caano,” ayay tiri Ruun.

Balse gabadhan oo baratay culuunta caafimaadka dadweynaha ayaa ku doodaysa in haddii ay Soomaalidu u naxariistaan xayawaanka ay markaa heli karaan nabad

Ruun ayaa BBC-da laanta af Soomaaliga u sheegtay in hadda ka hor ay ka xanuunsatay bisadda, ka dibna ay la xiriirtay dhakhtar xayawaanka qaabilsan oo ku nool Masar, kaasoo kula taliyay dawada ku haboon bisadda.

Waxa ay intaa ku dartay in ay rajeynayso in mustaqbalka ay furto goob ay ku xananaaneyso bisadaha, ayna diyaar u tahay inay raadsato bisad kale maadaama ay ka dhimatay tii ay jeclayd.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. abdiman says:

    Wigan ayaan laga soon daayay wararka tiifiyada in somaliland laga samaynayo meel xay waan ka lagu daryeelo. ..

    Puntland oo aan jecelay half abuur ku kuma badna laskiin mashruuc kasta oo SOMALILAND samayso waa inay naqilaan ( copy)..

    In wax wax lakala barto way fiicantahay

  2. universita nazionale says:

    waa sax putlaqnd waa ku caano maashay somaliland talaabada ay qaadaba way qaadaa waa wanaag in la kala faa,iideysto,muqdishona waa in ay ku dayataa,dadkeeduna muwaadiniin noqdaan.

  3. Wiil waamo says:

    Iidoorkaan waaba waasheen.
    Haddii shimbir dhuusto somaliland ayay meesha keenayaan.
    Iidooroow talo wanaagsan ma rabtaan:
    HARGEYSA,BERBERA, IYO BURCO GOOSTA.
    dhul daarood hooyadiin ayay idinka tahay in aad la goosataan.
    AQOONSI AQOONSI AQOONSI NEVER AQOOBSI.
    Viva somali weyn

  4. abdiman says:

    Waar dadku haduu wada degay nabad ha loo daayo …

    Daarood iyo isaaq ma kala guri kartid ..si yaasiin ta iyo shicibka kalagaro

    Colaad iyo ca daa wadi meesha mataal

    Dadkan dhul iyo dad iyo waxbadan oonad ogayn baa ka dhexeeya

  5. RAAMALEEY says:

    Universal Qofka wataa WAA Qof AAD umaseer badan OO caafimaad baas OO somalida lagu saliday Qaarkeed WAR Gabdhaas iyo Magaalada ay Degantahay dadka dega miyaanad ogayn in ay yihiin dadkii umada soomaaliya gees to gees 500 EE sanodood EE lasoodhafay ugu Aqoonta hadana dadka WAX hindisa AMA arigtida fog EE xadaarigaa WAA magaaladaas yar EE Qardho iyo xeebta dheer EE Hon afrik ogoow Somali land ta AAD sheegayso xagaa WAA looga horeeyaa EE Aqoon kororso OO tag biyo kulule iyo Berda cad baaraan




script>
Deg Deg Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Weeraray Beesha Calamka iyo Mucaaridka Xili Nairobi Shir Adag ka Socdo
- Apr 21, 2019
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka & ...
Hogaanka Maamulada Oo Beesha caalamka u gudbiyay Dhaliilaha DF & Labo qodob oo ay ka doonayaan Caalamka,
- Apr 21, 2019
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay wali socdaan kulamada ...
War Deg Deg Ah Daawo:Lix Qarax Oo Ka dhacay Kaniisad iyo Khasaare Baaxad leh Oo ka dhashay.
- Apr 21, 2019
Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ilaa 200 ...
Deg Deg::Raysal Wasaare Khayre Oo Beeniyay War laga Faafiyay,
- Apr 21, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal, ayaa la waydiiyay ...
Daawo:Fadeexad Hargaysa ka Soo Muuqatay
- Apr 21, 2019
magaalada Hargeysa ayaa maalmihii dambe waxa ka curtay roobabkii Gu’ga, iyadoo maalintii Jimcihii uu ...