dahabshiil

War DegD eg Ah:Barlamaanka Puntland Oo Meel Mariyay Qorshe Aan Hirgalay Inta Sool Somaliland Haysato!?

Garoowe{ Khaatumonews }Golaha wakiilada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, tala soo jeedin ku saabsan, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, kadib markii Baarlamanku ay warbixin ka dhegaysteen guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland (TPEC).

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddi xildhibaanno ah oo u kuur-galay, sababaha ay Puntland uga qabsoomi weyday doorasho qof iyo cod ah ayaa kadib markii ay warbixin ka dhegaysteen (TPEC), waxay soo jeediyeen, in guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland ay sii wadaan shaqada, islamarkaana xukuumaddu ka taageerto, dhaqaalihii ay ku qaban lahaayeen doorashada golayaasha degaanka.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa soo jeediyay, in xukuumadda Puntland ay la timaaddo qorshe cad oo dalka looga hirgelinayo, doorasho qof iyo cod ah, maadaama deeq-bixiyaashii taageeri jiray barnaamijkan ay dhaqaalihii ka jarteen kadib markii ay dhinaca xukuumadda ka waayeen qorshe cad oo ay ka leedahay nidaamkan.

Golaha wakiiladaPuntand ayaa dood dheer kadib, waxay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen tala-soo jeedinta guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku ay ka soo saareen, hir-gelinta nidaamka axsaabta badan iyo shaqada guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee (TPEC).

Kulanka oo ay fadhiyeen 48 mudane ayaa waxaa tala-soo jeedinta aqbalay 43 xubnood, 2 xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena ay ka aamustay, waxaana sidaasi ku ansaxay tala-soojeedintii guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku u saareen hir-gelinta nidaanka axsaabta badan.

Si Kastaba ha Ahaate Qorshahan Barlamaanku meelmariyay ayaa ah mid Aan Hirgalay Inta maamulka Somaliland KU Sugan yahay Gobolada Sool iyo Sanaag.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. LAFARUUGAAWI says:

    MADHEERTENIA
    COPY CAT 🐱 TO SOMALILAND REPUBLIC.

    PUNTLANAD AMA DHULKII UDUGA WAA BUURAHA SILSILADA GOLIS EE SOMALILAND .

    KKKKKKKKKKKJIII

    BUQLEEN

    ARRAWEELO QOLAMAY AHAYD!!;?.
    @ buurta daalo.com

  2. WARAN says:

    DHALFARUUGA IIDOOR
    ILEEN KHANIIS MA XISHOODO OO HADUU XUSHOONAAYO SOOW FUTADIISA LAMUU XISHOODEEN
    ADIGU IIDOOR YAAD KA TAHAY KOLEY WAXAAN XAN KU MAQLAY INAAD TAHAY QOLYAHA DEGA HARGEYSA EE LAGU XANTO INAY QAAR RAGOODA KA MID AHI CILAANKA/XINAHA MARSADAANE
    DABOOLE /KHANIIS QOLO MA LEH

  3. Binary Operation says:

    majeerteen uma af duubna dhuloos iyo waroos, ee taladooda way goosten doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee puntland waxa qudha ee ay ka dhacayaan waa bari, nugaal iyo mudug waqooyi.

    puntland ha isku howsho sidii ay u nabadayn lahayd bari, nugaal iyo mudug waqooyi si shacabka deegaamada 2 da gobol iyo badhku u qabsadaan doorashooyin xor iyo xalaal ah.

    iskana ilaawaan ssc waayo deegaamada waa deegaamo somaliland leedahay.

    intay madaxda puntland isku howlayeen dhul aanay shaqo ku lahayn waxay dayaceen inay nabad ka dhigaan deegaamada 3 xagalka ah ee bari, nuugaal iyo mudug waqooyi.

    shacabka 3 xagalkaasi ku noolna waxay in badan u balan qaadeen doorasho hal qof iyo hal cod ah ha u dhabiyaan hamigooda. sool, bariga sanaag iyo buuhoodle shacabka ku nool iyo deegaamadooduba somaliland ayay ka tirsan yihiin. sanaag ceerigaabo ayaa laga xukuma oo magaalo madaxda gobolku waa ceerigaabo. sool laascaanood ba laga xukuma oo magaalo madax u ah gobolkaasi, buuhoodle waxay ka tirsan tahay gobolka togdheer waxaana laga xukuma burco. warku sida ha idiinku dhamaystirnaado, ha isku mashquulinina inaad somaliland goboladeeda faraha lasoo gashaan waayo waa wax aydin eedi doontaan masiirka shacabkiina ku luminaysaan dadkaasi dhulbahante iyo warsengeli uma jeedaan wax la yidhaah harti in fact somaliland ayay kamid tihiin gobolada ay ka tirsan yihiina waa gobolo somaliland ah.




script>
Daawo Video:Muuse Biixi Oo lagu Bahdilay Addis Ababa iyo Axmed Shide Oo Soo Dhaweeyay?
- Feb 20, 2019
Waxaa magaalada Addis ababa caasimada dawlada itoobiya maanta soo gaadhay madaxweynaha maamul beeleedka snm ...
War Deg Deg Ah:Kulan kii Farmaajo Iyo Muuse Biixi Oo Fashil Ku Dhow iyo Wararkii ugu Danbeeyay+Maxaase La isku Haya!?
- Feb 20, 2019
Jabuuti{ Khaatumonews }Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ...
Deg Deg Daawo Sawiro:Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo…..
- Feb 20, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi Oo Khiyaamo Halis Badan u Jilaaya shacabka SNM
- Feb 20, 2019
Waxaa maanta magaalada hargaysa ka dhoofay madaxweynaha maamul beeleedka snm muuse biixi cabdi iyo ...
Deg Deg Daawo Video:Itoobiya Qaaday Talaabo Argagax Galisay Kenya!?
- Feb 20, 2019
Dawlada Itoobiya ayaa qaaday talaabo aysan mahadin dawlada Kenya kadib khilaafkii ...