600 Deg Deg:Sonkor laga Diiday Kenya Oo Ka Soo Dagtay Muqdisho? | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Sonkor laga Diiday Kenya Oo Ka Soo Dagtay Muqdisho?

Muqdisho{ Khaatumonews }Dekedda Muqdisho ayaa waxaala sheegay inuu ku soo xirtay maalmo ka hor Markab siday sokor dhan 40.000tn taasoo laga soo diiday inuu ku dejiyo dekedda Mombasa ee dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii 2018 halkaasoo markii hore qorshuhu ahaa in laga dejiyo.

Sokortan oo tayo ahaan la sheegay iney xumaatay ayey dowlada Kenya amartay in lagu celiyo waddanka Brazil oo laga soo daabulay markii hore.

Amarka dib u celinta Markabka siday Sokorta ayaa soo baxay kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya  uu diiday in Sokortaasi gasho Kenya sabab la xiriirta dhinaca tayada iyo Bedqabka oo liidatay.

Hay’ado kala duwan oo ay kamid yihiin maamulka canshuuraha, Maamulka dekedaha, ciidanka Badda iyo adeegga sirdoonka Qaranka Kenya ayaa isku raacay in Sokortani aanay tayo iyo bedqab ahaanba la ogolaan karin in dalkooda lagu dejiyo.

Markabka MV Iron Lady ayaa ka dib ka soo shiraacday dekedda Mombasa ee dalka Kenya isagoo sida Sokortii dib loogu soo celiyay, balse xiriir dhexmaray ganacsato Soomaali ah oo iska leh sokortan iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa fududeeyey in Sokortaas xumaatay laga soo dejiyo Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in dejinta Sokorta uu sido Markabkaasi ay ka billaabatay dekedda Muqdisho, waxaana la soo gelin doonaa Suuqyada magaalada.

Hay’adda hubinta tayada badeecadaha ka soo dega dekedda Muqdisho ayaa la sheegay ineysan sidii loogu talo galay u shaqeynin, wararka qaarna waxay sheegayaan in howlwadeenada heyaddan ay ku shaqeeyaan musuq.

Haddii sokortan xumaatay la soo fasaxo waxay ka dhigan tahay in dowlada Somalia ay aqbashay in dalka la soo geliyo cunto xumaatay oo laga soo diiday dal kale taasoo halis gelin karta caafimaadka guud ee bulshada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. DAACAD says:

    Waataa dowladii somaaliya dadkeedii iyo shicibkeedii sumeyneysa.shilimaad jeebka tuugta ku dhaca ayey siisteen dadkoodii ,Ma talyaanigaasaa mahdi ah tani waa yaabee?
    Hala midoobo oo haleys raaco kuwa lehow idinku raaca oo waxka darsada.

  2. Waawareeyu waamaxay says:

    Naayaa Garbo Diir maadaa laguu shubay bacda aad sheegeeyso mase waaad dhaafsatay in niiko laguugu diir-diiro.
    @ qaxbooyinka qaldaamada iidoor ee hargeisa.

  3. GAALKACYO says:

    Mooryaanta Hutu Hawiye Futomadoobe dameero waaye, sonkorta iyo cawska ha la cunsiiyo mooryaanta hutu futamadoobe. Keliya waxa yaqaanin mooryaanta hawiye waa qaraajinta dadka iyo isbaaro. Gaalkacyo saan laguma wada joogahayo.




script>
Daawo:Xildhibaan Dalxa Oo Waraysi Kulul Laga Qaaday,
- Jan 25, 2020

Deg Deg Daawo:Axmed Karaash Soodhaweyn Sare usameeyay Isimada Jig-jiga,
- Jan 25, 2020
Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Pumtland Axmed Karaash ayaa Qado sharaf u sameeyay ...
Maamulka Puntland Oo Hakiyay Xil Wareejin Dawlada Somalia Kawaday Garoowe,
- Jan 25, 2020
Waxaa hakad la galiyay munaasbadii lagu xil wareejin lahaa xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ...
Daawo:Maydad Laga Soo Guraayo Dhismayaal Ku Dumay Dhul-gariir kii Turkiga,
- Jan 25, 2020
Illaa 18 qof ayaa ku geeriyootay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib dhul ...
Daawo::Ciidanka Dawlada Somalia Soo Qabtay Aabe wiilkiisa Ku Gowracay magaalada Jowhar
- Jan 25, 2020
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in nin ...