dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Barlamaanka Oo La Hor keenay Qorshe Lagu Gudaayo Xubnaha Ku jira Barlamaanka Ee Aan Gudneen?

Nairobi{ khaatumonews }Sheekadan xiisaha badan ayaa aad looga hadal hayaa dalka Tanzania, kadib markii la shaaciyay in la gudayo xildhibaanada Ragga ah ee kamid ah baarlamaanka dalka Tanzania.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ujeedada ka dambeysay in la gudo xildhibaanada ragga ah ee baarlamaanka Tanzania ayaa waxaa la sheegay inay tahay in laga hortago faafida cudurka HIV AIDS, sida lagu sheegay hadal jeedin ay sameysay xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka.

Aragtidan waxaa soo jeedisay Jackline Ngonyani oo ah haweeney ka tirsan baarlamaanka Tanzania, waxaana soo jeedinteeda ku kala qeyb samay xildhibaanada Ragga ahaa ee ka tirsan baarlamaanka Tanzania.

Xanuunka AIDS-ka ayaa ah cudur dhibaato badan ku haya shacabka ku nool dalka Tanzania waxaana la sheegayaa in 5% dadka dalkaasi uu asiibo xanuunka, sida lagu cadeeyay daraasad dhawaan lasoo saaray.

Xildhibaan  Joseph Selasini oo ka mid ah Ragga ku jira Baarlamaanka Tanzania ayaa taageeray soo jeedinta Xildhibaannada laakiin waxaa diiday Xildhibaan Joseph Kasheku oo ku tilmaamay soo jeedintan mid Ragga xadgudub ku ah.

Ugu dambeyntii 70% Ragga Tanzania ayaa mara Gudniinka, waxaana wali taagan walaaca laga qabo faafidda Cudurka HIV-ga, taasi oo keentay in qorshahaan baarlamaanka la dhex keeno.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo::MUdaraad Badhan Ka dhacay LaguS odohaweyy Ciidankii kaosoBaxay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Shacabka Magaalada Badhan Ee Gobolak Sanaag ayaa Dhigay Isku Soo Bax Balaadh oo ay ...
Deg Deg:Ciidanka Jubaland Oo Amar Lagu Siiyay Inay Soo Afjaran Xidig iyo Seerar,
- Aug 23, 2019
Saraakiisha ciidanka Jubaland iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Xukumada Jubaland ayaa 24 Saac ee ugu ...
Deg Deg:Ciidaamo Xoogan Oo Ka Soo Goostay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga ...
Deg Deg:James Swan Oo Ka Hadlay Arrin uu Muuse Biixi Ku Qanciyay,
- Aug 23, 2019
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ...
Deg Deg::Farmaajo Oo Magacaabay Duqa Caasimada Muqdisho,
- Aug 22, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u ...