dahabshiil

Ballamihii uu qaaday madaxweyne Farmaajo ee aan qabsoomin ‘la mood, noqonse weyday’

Waxaa maanta laba sano jirsatay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la doortay 8-dii bishi Febraayo ee sannadkii 2017-kii, iyadoo wali ay shacabku isweydiinayaan waxa ka hir galay ballan qaadyadii uu madaxweyne Farmaajo sameeyay markii uu xilka u taagnaa.

Cid walba oo dhageysatay khudbadii uu barlamaanka ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo markii uu ahaa musharaxa, waxay hadalkiisa ka dheehan kartay waxyaabao badan oo ay adag tahay in laga hir galiyo Soomaaliya, kuwasi oo madaxweynaha uu ballan qaaday, balse dhaqan-gelintoodu wali laga dhowrsugayo inkastoo qaarkood waqtigii uu qabsaday la dhaafay.

4 sano waa xilliga guud ee ay heysato dowladda, ka hor inta aan doorasho kale la qabanin, haddana waxaa gudubtay 2 sano oo wakhtigaas kalabarkiis ah.

Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Amniga wuxuu ka mid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku ol’oleynayay, xilligii uu musharraxa madaxweyne ahaa.

Waxyaabah ugu horeeya ee tusaalaha loo soo qaadan karo, aadna loo xusuusto ayaa waxaa kamid ah ballantii uu qaaday oo ahayd soo afjaridda dagaal ka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu khudbadda baarlamaanka ka jeedinayay xilligii uu musharaxa madaxweyne ahaa wuxuu sheegay iney sameyn doonaan dadaallo lagu cirib tirayo dhaqdhaqaaqa Al Shabaab.

Hase ahaatee, isagoo madaxweyne ah, mar uu khudbad ka jeedinayay munaasabaddii xuska sannad guuradii 57-aad ee aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliya, 12-kii bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii, wuxuu wakhtiyeeyay xilliga looga adkaan karo kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya.

“Ciidan aan lahayn shacab ma guuleysan karo. Ciidanku wuxuu guuleysan karaa markii uu ogyahay inuu heysto taageerada shacabkiisa iyo dowladdiisa. Annagu haddaan qeybteenna la imaanno, oo dhankii dowladnimada ah, oo dhameystireysa wax walba oo loo baahan yahay, shacabkana ay garab istaagaan, waxaan xaqiijineynaa muddo 2 sano ah shabaab inaan dalka uga cirib tirno, hadduu Ialaahey yiraahdo”.

Balse ballan qaadkan, inkastoo uu shacabka dadaalkooda qeyb uga dhigay, ma suurtoobin wali.

Abaalmarimnta dadka soo sheega qaraxyada

Madaxweyne Farmaajo waxaa kale oo uu barlamaanka hortiisa ka ballan qaaday in qofkii soo sheega maclumaad la xiriira cidda fulisa qaraxyada dhaqdhaqaayada amni darrada la siin doono abaalmarin.

“Dagaalakan waa dagaal dhab ah, waa dagaal xaq ah, sirdoonka oo la xoojiyo aqoontooda, waxaan aaminsanahay in baabuurta la qarxinayo ee lagu weerarayo huteelada shacabka na leynay in wax laga qaban karo, waxaa wax looga qaban kara na ay tahay in hal malyan oo doolar bil walba meel loo dhigo, qofkii soo sheega baaburkaasi qarxayana boqol kun oo doolar la siiyo, hadii uu rabana dibadda loo diro”, Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa xiligaasi sidoo kale ballan qaaday in haddii la doorto ay dowladiisa dib u dayac tiri doonto dhismayaasha ku burbura qaraxyada Al Shabaab, sidoo kalena dadka ku dhinta qaraxyada Shabaab magdhaw lasiin doono.

Balse dhammaan ballan qaadyadan fulintooda wali lama soo tabinin, iyadoo hadda ay dowladdu jirto muddo 2 sano ah.

Musuqmaasuqa

Dhanka musuqmaasuqa, khudbaddii madaxweyne Farmaajo ee baarlamaanka, ka hor inta aan madaxweynaha loo dooranin, wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay 10-kii sano ee lasoo dhaafay meel hoose uga jirtay liiska waddamada ugu musuqmaasuqa badan caalamka, wuxuuna ballan qaaday inuu arrintaas wax badan ka baddali doono, haddii xilka uu raadinayay loo doorto.

“Sannadkii 10-aad, waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka waxaan uga jirnaa lambarka 176, waddanka ugu horreeya na waa Denmark, maxaa marka noo diiday inaan Denmark la tartanno”, ayuu yiri Farmaajo.

Hadda oo uu Soomaaliya 2 sano madaxweyne ka yahay, war bixintii ugu dambeysay ee ay hay’adda Transparent internatuional soo saartay waxay ku sheegtay in sannadkii 2018-ka ay Soomaaliya lambarka ugu hooseeya ka gashay waddamada uu musuqmaasuqa hareeyay.

Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hakad galay wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somnaliland, kuwaasi oo soo socday tan iyo dowladii Shariif Sheekh Axmed

Inakstoo aysan jirin sabab rasmi ah oo ku aaddan arrintaasi ayaa haddana Somaliland waxay sheegtay in wadahadal iska daaye ay dowladda Farmaajo ku eedeeyeen inay “cunaqabateesay” Somaliland.

Safarada badan ee dibadda

Markii uu musharraxa ahaa Farmaajo wuxuu khudbaddiisii baarlamaanka ku sheegay in haddii la doorto uu yareyn doono safarrada dibadda, taas baddalkeedana wixii safar dibad ah ay ku shaqo lahaan doonto wasaaradda arrimaha dibadda oo kaliya.

Dowladdii ka horreysay ayuu ku dhaliilay iney safarradeeda ka baxsan wasaaradda arrimaha dibadda aad u badnaayeen.

2 sano oo lasoo dhaafay iyo 2 sano oo harsan

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane, oo horay u soo noqday wasiir iyo xildhibaan, haddana ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo Amniga ee Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabo badan oo dowladda Farmaajo laga filayay aysan sidii loo filayay noqon.

‘’Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘la mood, noqonse weyday’, madaxweyne Farmaajo markii la dooranayay wuxuu heysatay shacbiyada faro badan, qof walbana wuxuu lahaa ‘Farmaajo ii geeya’ laakiin wixii oo idil hadda wuu lumiyay, sidii la moodayay iyo sida uu noqday waa kaaf iyo kala dheeri, dhammaan ballan qaadyadiisiina waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay”, ayuu yiri Dhaqane.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinkii ay dowladda Farmaajo faraha la gashay 2-dii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna Cabdiqaadir Dhaqane yiri “Waan ognahay sida uu noqday xiriirkii arrimaha dibadda Soomaaliya iyo sida ay hoos ugu dhacday siyaasaddii arrimaha dibadda gaar ahaan waddamada khaliijka, waxaa waddanka laga eryay Haysom oo ka socday xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay, suuqii siyaasadda arrimaha dibaddana wuu ka xirmay Soomaaliya. Dhanka gudahana, waxaan la soconnaa inuu ku fashilmay wada shaqeynta dowlad goboleedyada iyo wada hadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland”.

Cabdiqaadir Dhaqane ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu wax hagaajin karo muddada 2-da sano ah ee ka harsan maamulkiisa.

“Aniga ilama aha inuu sidaas sameynayo, laakiin 2-da sano ee u hartay wax wuu ku qaban karaa haddii uu wax qabad usoo jeesto isla markaana uu dhinac iska dhigo siyaasaddii gurracneyd ee ku dhisneyd aargoosiga oo uu dib u heshiisiin sameeyo”.

Xigasho BBC Somali

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 12)

  1. Qaybdiid says:

    Kuwan u shaqeeya Radio-ha caalamiga BBC da ama VOA-da run ahaantii ma yaqaanaan shaqadooda, waa callbox ama ku shubo iyo maxaad sheegtaa oo dadku xiisaynayaan, waxa ka maqan, dadka ay doonayaan inay khaldaan. Haddaba, in dadkii uu intiisii badnayd ee siiba qurbaha joogtay ay la falgaleen duni horumarsan oo ay fahmayaan waxa la isku soo dhoobdhoobayo iyo warka xaqiiqda. Wayna ku saaqideen weriyenimadii waa faashil siday ula macaamilaan Somaliya iyo dawladeeda. Maqaalkan ay daabaceen, waxa qoray siyaasi cadhaysan oo leh maxaan kursi u waayey, Nebigeenuna NNKHA, wuxuu inoo sheegay qofka xildoonka ee dalbada in xil loo dhiibo, inaan loo dhiibin ee qof istaahila loo dhiibo.

    Farmaajo iyo Khayre waa ay ka go`an tahay inay dalkan wax u qabtaan, laakiin waxa ka xun lataliyeyaasha, oo qaarkood aanay mudnayn in wax la weydiiyo. Sida keliya ee Somali dalkeeda ku badbaadsan kartaa waa iyagoo wada ilaashada dalkooda, kuna ixtiraama madaxda daacada ugu shaqaynaysa. Farmaajo iyo Khayre dalka iyagu ma laha, waa shaqaale metela dadka Somaliyeed, oo waqti go`an haynaya xilka, kuwa caqliga xun ee isku deyaya inay lug gooyaan, waxay lug goynayaan ummadda Somaliyeed, ee taa ha la ogaado. WBT

    • LAFARUUGAAWI says:

      FAQASH FAQASH

      MUNAAFIQIIN WADA MOORYAANA
      ILMA WALLE KHIYAAMO OO WALIBA HADDA CID WALIBA ADDOONSATO WALLE INAANAY WALIGOOD KOB CALEEN LE’ KA SOO DURDURINAYN!!!.

      TALYAANIGII INTUU BEERKA U SEEXIYO OO FUTADA IYO MADAXA KAGA JOOG JOOGSADO DHIIQADA WEBIYADA KAGA TALLAABI JIREY AYAY U DARSADEEN ILLAYN ILMA LIX SAAC CAQLIGU DABADUU KAGA JIRAAYE.

      VIVA REPUBLICA DELLA SOMALILAND

      XAYAAAAAAAAAAAAAAAAAA

      AL

      JAMHUURIYATUL

      ARDA

      SOOOOOOOOMAAAAAAAAL.

      QARAN XORA OO DAYAXA HALABSADAY

      @ allaw u siyaadi nabada somaliland.com

      • Garbadiiri Gacan Libaax says:

        LAFARUUGAAWI

        KKMKKKKKKKKKK

        ADIGIIBAA ILMA SAAC KA DARAN

        WAAYO VIDEOS KAA BERI HORE AYAA YOU TUBE 🚇 KA LAGA TIRTIRAY OO FAQASH BAA IIBSATAY.

        # hankii qarankaa somaliland.com

  2. Goobe says:

    Qaybdiid ma runta diidaysa bro hadii la sheego wixii jira maha in dadka lagu xad gudbo inta halkan ku qoran waa in uu balan qaaday wax uu ka qabtayna aanay jirin xaarmaajo

    • Garbadiiri Gacan Libaax says:

      Tuurle

      FAQASH WAY KU DAYSAY DAL IYO DADBA.

      WAAYO RAGGII RAGGU DHALAY EE LIBAAXYADA AFRICA AYAA ADDUUNYADA KA TIRTIRAY MARKAY KIBREEN.

      @ ciidanka cirka somaliland.com

      • Waawareeyu waamaxay says:

        Laga roone Garbo diir.
        Libaax inuu ku diiro waxaa kaaga fiican MR GOOBE inuu ku diir-diiro ee u salaam.ma siyaad Barre baad casuusatay libaaxa Africa.

  3. AAN OOYE ALBAABKA II XIRA says:

    ● Dhiibisti Qalbidhagax
    ● Gubista suuqa Bakaaraha
    ● Qaraxi Zoobe
    ● ku dhawaaqay “Somalia iyo itoobiyo hal dal waaye (macnaha Somalia waa kililka lixaad)
    ● shisheeye cadaan gaal ah ayaa ku wareejiyay bangiga Somalia
    ● Badda iyo kaluunka Somalia ayaa indhoyarta hal milyan ka siistay
    ● Hadda waxa dhulka Somalia hostiis ku jira ayaa gaalada hal milyan ka siisan raba

    Gunaanad:

    Fashil-maajo waxa lagu xasuusan doono ninka dadka, dalka, dhulka iyo badda Somalia ka ibiyay gaalo.

  4. Guulwade says:

    Madaxweynaha waa wadani somaliyeed e somali majecla wadaniyiint jilaagaa loodgigaa waa arin mudo dheer so jirtay. Kuwa. Munaafiqinta. Doqomada. Waxay jecelyihiin Geesi walba inay .mucardaan wax ba isuma Quraan. Mudad dher.

  5. Team Farmaajo says:

    Hawiye dameer aan fuushanahay waaye, dameer(hawiye) aan fuushanahay dhuusadiis wax ay iga qaadahayso ma leh.

  6. Codka Baydhabo says:

    Aniiso oo joogta Baydhabo waxa tiri:

    “Villa Somalia Qarax La Tag”

  7. NFD KENYA SOMALIS says:

    Futo-Maajo and Marehan are not welcome in Jubbaland.




script>
Daawo::MUdaraad Badhan Ka dhacay LaguS odohaweyy Ciidankii kaosoBaxay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Shacabka Magaalada Badhan Ee Gobolak Sanaag ayaa Dhigay Isku Soo Bax Balaadh oo ay ...
Deg Deg:Ciidanka Jubaland Oo Amar Lagu Siiyay Inay Soo Afjaran Xidig iyo Seerar,
- Aug 23, 2019
Saraakiisha ciidanka Jubaland iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Xukumada Jubaland ayaa 24 Saac ee ugu ...
Deg Deg:Ciidaamo Xoogan Oo Ka Soo Goostay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga ...
Deg Deg:James Swan Oo Ka Hadlay Arrin uu Muuse Biixi Ku Qanciyay,
- Aug 23, 2019
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ...
Deg Deg::Farmaajo Oo Magacaabay Duqa Caasimada Muqdisho,
- Aug 22, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u ...