600 Deg Deg:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Madaxweynihii Hore Ismaamulka cabdi Iley? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Madaxweynihii Hore Ismaamulka cabdi Iley?

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xarigiisa iyo maxkamadaha marar badan lasoo taagay.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkaasi ka sheegay mar shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana lagu soo oogay dembiyo badan oo ay ku jirto inuu ka dambeeyey dagaal-beeleedyo ka dhacay Kilinka 5-aad.

Mar uu Garsooraha Maxkamadda wax ka weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar inuu fahamsan yahay Dacwadaha loo haysto, waxa uu si kooban u sheegay inuu fahamsan yahay, isla markaana ay yihiin Eedeymo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin.

Dacwadaha Cabdi Maxamuud Cumar waxaa kaloo kula eedeysnaa 47 xubnood oo ka tirsanaa Maamulkiisa, balse 6 ka mid ah ayaa loo qabtay Kiiskaasi, halka inta kalena ay ka cararay dalka Ethiopia.

Xubnaha shalay dacwadda ku wehliyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ka mid ahaa Madixii  Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Maamulkiisa, Raxma Maxamed Haybe, Madixii  hore ee Xafiiska Arrimaha Qurbo-joogta, C/risaaq Sehane Cilmi,  Taliyihii hore ee Boliska ee Maamulkii hore, Farxaan Daahir iyo  labo xubnood oo kale oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Cabdi.

Dhegeysiga Dacwada shalay ayaa ahayd markii 4-aad ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale la soo golo-joojiyo Maxkamadda, waxayna Maxkamadda Federalka Ethiopia sheegtay in  dhegeysiga Kiisaska loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale dib u dhigtay ilaa bishan  Feberaayo 27-da.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...