600 Deg Deg:Lafta Gareen Oo Ka Hadlay kulan Uu Xabsiga Kula Yeeshay Roobow? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Lafta Gareen Oo Ka Hadlay kulan Uu Xabsiga Kula Yeeshay Roobow?

Madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen], ayaa Muqdisho kula kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] oo dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Baydhabo sannadkii la soo dhaafay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in kulanku uu ka dhacay guri uu xabsi ku yahay Mukhtaar Roobow oo ay maamusho NISA, kasoo ku yaalla agagaarka xarunta Nabad-sugidda Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in la-sii-dayn doono Sheekh Roobow, isla markaana si hoose loo xalin doono shaqaaqadii  ka dhalatay soo xiristiisii.

C/casiis Lafta-gareen ayaa intaas ku daray in Sheekh Mukhtaar Roobow uu ka raalli-geliyay qaabkii loola dhaqmay iyo dhibaatooyinkii ka dhashay markii lasoo xirayay, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in wax kasta oo tabasho ah miiska wada-hadalka lagu dhameeyo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa horay u ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii-dayn doono Sheekh Roobow, uuna dib ugu laaban doono Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lasoo xiray xilli uu isku diyaariyay inuu ka qayb-galo doorashada madaxnimo ee Koonfur-galbeed oo dhacday daba-yaaqadii sannadkii hore, taasoo uu kusoo baxay madaxweynaha xilka haya ee Lafta-gareen oo la sheegay inay wadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa horay u ballan-qaaday inay kuraasta ka dagayaan haddii lasoo dayn waayo Abuu Mansuur oo horay uga soo goostay Kooxda Al-shabaab.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...