600 Deg Deg:Jaaliyadda London Mudaharaad ka Dhan Ah Dawladda Soomaaliya Bilowday? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Jaaliyadda London Mudaharaad ka Dhan Ah Dawladda Soomaaliya Bilowday?

LOndon{ Khaatumonews }Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada London ee caasimada dalka Britain uu ka furmao shir looga hadlayo arimaha shidaalka Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madax katirsan dowlada Federaalka iyo Shirkado daneeya Shidaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Xukuumada Soomaaliya ayaa ka furmaya Hotelka Clridges ee magaalada London, waxaana shirkan dowlada ku matalaya Wasiirka Batroolka iyo xubno kale.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada London ee looga hadlayo arimaha Shidaalka Soomaaliya ayaa laga muujiyay shaki xoogan, waxaana Xildhibaano iyo siyaasiyiin sheegeen in shirkan uu yahay mid lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

Wasaarada Batroolka ayaa beenisay warka laga faafiay shirkan, waxa ayna Wasaardaa xustay in aysan jirin wax shidaal ah oo la xaraashayo balse lagu soo bandhigayo aag cusub oo laga baarayo shidaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale magaalada London waxaa ka socda abaabulka banaan bax la doonayo in laga hor dhigo Hotelka  Clridges  oo lagu wado in uu ka furmo shirka shakiga laga muujiyay ee looga hadlayo arimaha shidaalka Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaaqan dalka Britain ayaa wada abaabulka banaan baxan looga soo horjeedo shirkan la sheegay in lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in dad badan isugu soo baxaan banaan baxa .

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...