600 Deg Deg Daawo Video: Farmaajo Ka Hadlay Shirka Shidaalka Ee London Kuna Jees Jeesay dadka Ka Soo Horjeda Shirka!? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video: Farmaajo Ka Hadlay Shirka Shidaalka Ee London Kuna Jees Jeesay dadka Ka Soo Horjeda Shirka!?

Muqdisho{ Khaatumonews Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta markii ugu horeesay ka hadlay shirka ka furmay magaalada London oo la sheegay in lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Farmaajo ayaa beeniyay warka ay shaaciyeen qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku aadan in la xaraashayo Shidaalka Soomaaliya, waxa uuna xusay Madaxweynaha in warkaasi faafiyeen siyaasiyiin uu ku tilmaamay kuwa xanaaqsan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in aysan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashao balse shirka London lagu soo bandhigayo xogta 50 xirmo blocks ah oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM oo ay soo sahmisa shirkada Spectrum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta xanaaqsan ay doonayaan in dib u dhac lagu sii jiro, waxa uuna xusay in dadka jahwareerinayaan una sheegayaan waxaan jirin sida uu tilmaamay.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada uu hogaamiyo Farmaajo sheegeen in shirka maanta ka furmay magaalada London lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021