600 Pakistan iyo Shiinaha oo wada galay heshiis yaab leh | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Pakistan iyo Shiinaha oo wada galay heshiis yaab leh

Pakistan ayaa laga helaa tirada saddexaad ee dameeraha ugu badan caalamka, iyada oo ay ku nool yihiin in ka badan shan milyan oo xoolo ah markii laga soo tago dalalka Shiinaha iyo Itoobiya.

Waxaa dameeraha loo adeegsadaa qeyba badan oo ka mid ah Pakistan xoolo lagu xamaasho.

Waxaa caadi ka ah Pakistan inaa ku aragto gaadhi dameerada oo garab soconaya gawaarida kale ee caadiga ah gudaha magaalada Lahore ee dalkaasi.

Haatan saraakiisha waddankaasi ayaa doonaya inay lacago cadaan ah ku helaan kheyraadkoodaasi.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Pakistan shrikado laga leeyahay Shiinaha ayaa doonaya inay ku maalgashadaan lacago malaayiin ah dhismaha shirkado ka ganacsada dameerada.

Saddexda sano ee ugu horeyso, dowladda Pakistan ayaa qorsheyneysa inay dhoofiso 80 kun oo dameero ah.

Dalka Shiinaha ayaa hilibka dameeraha aad looga isticmaala iyada oo maqaarkuna ka mid yahay cunooyinka nafaqada leh iyo dawooyinka dhaqanka.

Halkii dameer ayaa la filayaa in lagu iibiyo sicir gaadhaya in ka badan afar boqol oo lacagta bounka ah.

Paksitan ayaa wajaheysa culeys dhanka mushahar bixinta dowladda ah waxa ayna baahi weyn u qabtaa isdhaafsiga lacagaha qalaad si ay sare ugu soo qaado dhaqaalaheeda.

Waxa ay ku rajo weyn tahay in dhoofinta dameeraha uu qeyb ka qaadan karo in baahidaasi la daboolo sanadaha soo socda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...
Deg Deg::Alshabaab Oo soo Saartay Amar ka Dhan ah Madaxda Puntland
- Jan 11, 2021
Af-hayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa cod laga ...