600 Maxaa Ka Jira In Madaxweynaha Puntland Golaha Wasiiraddiisa Ku Soo Darayo Masuul kasoo Jeeda Beesha Isaaq | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Maxaa Ka Jira In Madaxweynaha Puntland Golaha Wasiiraddiisa Ku Soo Darayo Masuul kasoo Jeeda Beesha Isaaq

Garoowe{ Khaatumonews } Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo wali ku guda jira dhismaha iyo soo xulista Xukuumaddiisa ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu Golihiisa Wasiiradda ku soo darayo Masuul kasoo jeeda Beelaha Dhexe ee Somaliland.

Xogo lagu daabacay Shabakado Caalami ah oo afka Ingiriisida wararka ku baahiya ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu Golahiisa Wasiiradda ku soo darayo Xubin kasoo jeeda Beelaha Dhexe   Isaaq ee Somaliland gaar ahaan Gobolka Togdheer, balse lama sheegin magaciisa iyo halka uu hadda ku sugan yahay, waxayse wararka laga helayo Magaalada Garowe ay sheegayaan inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii aadka ugu ololeeyay Madaxweyne Deni Maalmihii koobnaa ee uu ku jiray Ololaha Madaxtinimada Maamulka Puntland.

Haddii ay arintani dhacdo waxa uu noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Beelaha Dhexe ee Isaaq ee Somaliland ee ka mid noqda Golaha Xukuumadda   Puntland intii ay jirtay, sidoo kale waxa uu noqonayaa masuulkii u horeeyay ee aan deegaan ku lahayn Dhulka maamulka Puntland gacanta ugu jira ee haddana ka mid noqda Maamulkaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...