600 Deg Deg Daawo VIdeo:Ruushka oo ka carooday tallaabo uu qaaday Mareykanka | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo VIdeo:Ruushka oo ka carooday tallaabo uu qaaday Mareykanka

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday iney si rasmi ah uga tallaabsatay heshiiskii xakameynta gantaallada riddada dhexe ee Nuclear-ka, kaasoo la hirgaliyay xilligii dagaalki qaboobaa ee dunida.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Tallaabada Ruushka ayaa daba socota go’aan uu shalay oo Jimce ahayd Mareykanka qaaday isla markaana uga baxay heshiiskaas xakameynta hubka wax gumaada.

Xukuumadda Washington ayaa go’aankeeda u sababeysay eedeyn ay Moscow ugu jeedisay iney xushmeyn weysay heshiiskaas.

Labada dalba waxay ku dhawaaqeen iney ka baxeen heshiiskii xakameynta gantaallada riddada dhexe.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in waddankiisu uu dib u billaabayo sameynta gantaallo cusub oo xambaara nuclear.

“Mareykanka oo aan heshiiskan iskula jirnay waxay ku dhawaaqeen iney ka baxayaan dhankooda, annaguna sidoo kale ayaan uga baxeynaa”, ayuu yiri Putin.

“Dhammaan yaboohyadii aan horay usoo jeedinay dhankeenna, si xal loo helo, wali miiska ayey saran yihiin, albaabada wada xaajoodkana wey furan yihiin”, ayuu sii raaciyay.

Heshiiska xakameynta hubka halista ah oo ay Mareykanka iyo midowgii Soviet ee USSR kala saxiixdeen sannadkii 1987-kii ayaa labada waddan ka mamnuucayay iney isticmaalaan gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe ee xambaara qumbuladaha nuclear-ka.

Aroornimadii hore ee Sabtida ayuu xog hayaha guud ee isbahaysiga Nato, Jens Stoltenberg u sheegay BBC-da in go’aankooda la isku wada ogyahay.

“Guud ahaan xulafadeenna Yurub waxay Mareykanka ku raacsan yihiin go’aankaas, sababtoo ah ruushka sannado badan ayuu ku xad gudbayay heshiiska. Mar walba wuxuu gantaallo dheeraad ah ku sii diyaarinayaa gudaha qaaradda Yurub”, ayuu yiri Stoltenberg.

Hase ahaatee mas’uuliyiinta Ruushka ayaa iska fogeeyay eedeymahaas ku saabsan ku xad gudubka xakameynta hubka Nuclear-ka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...