600 Xildhibaan Fiqi: ‘Is-cafiska siyaasiyiinta wax ka horreeya ayaa jira’!!! | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Xildhibaan Fiqi: ‘Is-cafiska siyaasiyiinta wax ka horreeya ayaa jira’!!!

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan musaanabadii xalay ka dhacay magaalada Garowe iyo in siyaasiyiinta Soomaalida is-cafiyaan, isaga oo sheegay in cafiska ay wax ka horreeyaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:

Xaley munaasabaddii caleema-saarka waxey aheyd gogol si wanaagsan loo Soo agaasimay, dad waxgal ah la isugu keenay, dalka gudihiisa la dhigay weliba magaallo Soomaaliyeed oo nabad ah, intaas ka dibna hadallo wanaagsan laga yiri oo wax isku Soo dhowaynaya kuwaasoo ay fure u ahayd kalimaddii qiimaha badnayd ee uu madasha ka jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed, mas’uuliyiintii ka danbaysayna aysan ka leexan khadkaas uu islaanku iftiimiyey.

Waxaa maalmahaan socday mashruuc uu waday Sheekh Kenyaawi oo la magac-baxey “CAFI WALAALKAA” , halkaan Garoowe-na wuxuu islaan Ciise uga dhawaaqay mashruuc kale oo la yiraahdo “XALEY DHALEY KA NOQO”.

Farqiga u dhexeeya labada Mashruuc, kan hore waa mid Caam ah oo bulshada oo dhan khuseeya balse kan danbe wuxuu la xiriiraa dad siyaasiyiin oo arrimo jira ama qaddiyado taabanaya siyaasadda dalka la isku haayo wuxuu u baahan yahay marka hore In la wadahadlo, ka dibna la heshiiyo, natiijaduna iscafin noqota taasoo dhasha iskaashi iyo wada-shaqeyn dalka u horseeda nabad iyo Horumar.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...