dahabshiil

Deg Deg:Madaxweyne Cagjar culus Xoogan Dareemaya?

Jigjiga{khaatumonews}Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimada maamulka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo xiisad siyaasad oo aad u xoogan , waxaana magaalada tahay mid aad looga dareemayo xaalad ka duwan kuwii hore.

Madaxweynaha maamulka Soomaali State Mustafa Cagjar ayaa lagu soo waramayaa in shalay labo mar looga yeeray magaalada Adis Ababa halkaas uu kula soo kulmay Madaxda sare ee dowlada federaalka Itoobiya.

Mustafa Cagjar ayaa lagu soo waramayaa in hada xaalada ku xun tahay uuna cadaadis xoogan kala kulmayo dowlada federaalka, waxaana siyaasada uu maamulka ku hago aan ku qanacsaneyn dowlada federaalka iyo xubno katirsan maamulka uu hogaamiyo Mustafa.

Madaxtooyada maamulka Soomaalida ayaa lagu wadaa in maanta kulan xasaasi ah ku yeeshaan golaha Wasiirada maamulka, waxaana kulanka diirada lagu saari doonaa xiisada siyaasadeed ee taagan iyo sidii looga gudbi lahaa.

Mustafa Cagjar ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay wajahayay caqabado meelo kala duwan uga imaanayay, waxaana caqabadaha uu wajahayay kamid ahaa dagaalka Soomaalida iyo Oromada iyo sidoo kale nidaamka uu rabo in uu wax ku maamulo oo la dhaliilay.

Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa khilaaf hoose oo la sheegay in uu soo kala dhax galay Hogaanka Dowlada Federaalka Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Soomaali State Mustafa Cagjar oo talada maamulkaasi haya mudo lix bilood ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. sarhaye says:

    Anigu waxaan ku talin lahaa in dalkan somali ka maqan loo doono si colmiyeysan dalkan waqti dhaw ayaa la bixiyey dawlad baana bixisay waa in maskax lagu shaqeeyo caqli ma aha in dad isku mid ah oo hal ummad ah oo aan qawmiyad kale ku dhexjirin in la kala qoqobo oo hal magaalo oi isku mid ah laba dal kala noqdaan.

  2. Mukhtar says:

    @Sarhaye
    Waa runtaa oo soomaalidu waa ummad isku mid ah
    oo waliba aan lagu kala dhexjirin min gees ilaa gees.
    laakiin dhibku waxaa weeye Soomaalidu waa dad aan ogeyn in dariiqa kaliya ay ku badbaadi karaan uu jahay midnimo iyo isku duubni. Soomaalidu waa dad cadow dhinacwalba ka xigo, cadowgaas oo lid ku ah kana shaqeeya burburinta danta Soomaaliyeed. Kenya iyo itoobiya dal iyo dad bay naga haystaan, hadaba si aan dhulkaas maqan looga hadlin waxaa ka goa’n in ay inta xorta ah burburiyaan.




script>
Dawladda Somalia Oo Magaca Hodan Naaleeye Ku Bixinasa Abaalmarin,
- Jul 16, 2019
Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ...
Daawo:-Cali khalif Galaydh Oo Hargaysa Ka Dhex ooynaya”Anigu Somalilander ayaan Ahay’
- Jul 15, 2019

Daawo::Markabkii Lagu Fashiliyay Ismaqiiqii Muuse Biixi Maxaa ka Soo Kordhay,
- Jul 15, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews }Dawlada Soomaaliya ayaa Si Aan lahayn Gabasho Jilbaha dhulka ugu dhufatay Taliska ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Oo Mar Kale Handaraabtay Somaliland,
- Jul 15, 2019
Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan viisaha xajka lagu bixin ...
Khayre Oo Wada Qorshe Awood Midaysan Loogu samaynaayo Galmudug iyo Hirshabeelle,
- Jul 15, 2019
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta ...