600 Deg Deg:Madaxweyne Cagjar culus Xoogan Dareemaya? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Madaxweyne Cagjar culus Xoogan Dareemaya?

Jigjiga{khaatumonews}Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimada maamulka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo xiisad siyaasad oo aad u xoogan , waxaana magaalada tahay mid aad looga dareemayo xaalad ka duwan kuwii hore.

Madaxweynaha maamulka Soomaali State Mustafa Cagjar ayaa lagu soo waramayaa in shalay labo mar looga yeeray magaalada Adis Ababa halkaas uu kula soo kulmay Madaxda sare ee dowlada federaalka Itoobiya.

Mustafa Cagjar ayaa lagu soo waramayaa in hada xaalada ku xun tahay uuna cadaadis xoogan kala kulmayo dowlada federaalka, waxaana siyaasada uu maamulka ku hago aan ku qanacsaneyn dowlada federaalka iyo xubno katirsan maamulka uu hogaamiyo Mustafa.

Madaxtooyada maamulka Soomaalida ayaa lagu wadaa in maanta kulan xasaasi ah ku yeeshaan golaha Wasiirada maamulka, waxaana kulanka diirada lagu saari doonaa xiisada siyaasadeed ee taagan iyo sidii looga gudbi lahaa.

Mustafa Cagjar ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay wajahayay caqabado meelo kala duwan uga imaanayay, waxaana caqabadaha uu wajahayay kamid ahaa dagaalka Soomaalida iyo Oromada iyo sidoo kale nidaamka uu rabo in uu wax ku maamulo oo la dhaliilay.

Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa khilaaf hoose oo la sheegay in uu soo kala dhax galay Hogaanka Dowlada Federaalka Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Soomaali State Mustafa Cagjar oo talada maamulkaasi haya mudo lix bilood ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021