600 Deg Deg::-Cabdiraxmaan Cirro Oo Gudaha U Galay Adis Ababa Xili Muuse Ku Godoomay Hargaysa? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::-Cabdiraxmaan Cirro Oo Gudaha U Galay Adis Ababa Xili Muuse Ku Godoomay Hargaysa?

Adis Ababa{Khaatumonews}Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa kulamo kula qaadanayo masuuliyiin dawladda dhexe ee Itoobiya ah iyo kuwo dawlad degaanka Soomaalida ah.

“Xalay waxa aan soo gaadhay Magaalada Addis Ababa oo aan muddo kooban joogayo si aan ula kulmo saraakiil ka mid ah dawladda dhexe ee Itoobiya iyo madax ka mid ah madaxda Kililka Soomaalida ee Itoobiya,” Dr Cirro ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku faafiyay boggaggiisa baraha bulshada.

Guddoomiyaha Waddani waxa uu todobaadadii u dambeeyay ku sugna magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo uu kulamo kula lahaa wakiillada beesha caalamka ee daneeya doorashooyinka oo muran ka taagna muddooyinkii u dambeeyay.

Waraysi uu dhawaan siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu daneeyeyaasha caalamiga ah kala hadlay mawqifkiisa arrimaha doorashooyinka. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay taaggan yihiin ismari waa u dhexeeya xisbiyada waxaana daawaha saaran muddo kordhinta wakiillada.

Dr Cirro ayaa u muuqda in uu dhinaca beesha caalamka kaga firfircoon yahay madaxweyne Biixi marka la eego socdaalladiisa u dambeeyay iyo kulamada danjireyaasha caalamka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021