600 Deg Deg:-Alshabab Oo Ka Hadashay UjeedkaAy Ka Lahayd Weerarkii Ciidanka Itoobiya? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:-Alshabab Oo Ka Hadashay UjeedkaAy Ka Lahayd Weerarkii Ciidanka Itoobiya?

Baydhabo{khaatumonews}Afhayeenka dhanka dagaalada Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay waxa uu ka dhignaa weerarkii Al shabaab ay la eegteen ciidamo Ethiopian ah.

Ciidamada Ethiopia ayaa weerar gaadmo ah kala kulmay ciidamada Al shabaab xili ay ku sugnaayeen inta u dhaxeyo magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, sida uu sheegay afhayeenka u hadlay Al shabaab.

Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 57 askari Ethiopian ah, ayna ku gubeen todobo gaadiidka dagaalka ah, sida uu hadalka u dhigay afhayeenka dhanka howlgalada Al shabaab.

Afhayeenka ayaa shegay in weerarkaasi uu Jawaab u ahaa heshiisyada madaxweyne Farmaajo uu la galay Ethiopia, gaar ahaan heshiisyadii dhanka dekadaha oo Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Ethiopia iyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa dadka ciidamada Ethiopia ay ku dileen gudaha Soomaaliya iyo dhibaatada Soomaali galbeed ay la kulmaan.

Sheegashada Al Shabaab ee ah inay inka badan 50 askari ku dileen Buurhakaba ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Ethiopia iyo saraakiishooda oo xaqiijinaya khasaaraha weerarkaasi.

Al shabaab ayaa weerarkii Nairobi ay ka fuliyeen sheegay inuu jawaab u ahaa aqoonsiga Qudus Mareykanka u aqoonsaday inay tahay caasimada maamulka Yahuuda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...