600 Warbixin Culus:Gaas iyo Madaxweyne Deni midkee u roonaa Dowladda Federaalka | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Warbixin Culus:Gaas iyo Madaxweyne Deni midkee u roonaa Dowladda Federaalka

Waa cusub ayaa u baryey 8 January ee sanadkaan dowlad Goboleedka Puntland kadib markii Madaxeyne loo doortay Siciid Cabdullahi Deni.

Deni ayaa booska ka badalay Cabdiweli Gaas oo horey u ahaa Madaxweynaha Puntland kaasoo xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba su’aalaha ugu badan ee la is waydiinayo ayaaa ah midkee u roon Dowladda Federaalka Soomaliya Cabdiweli Gaas iyo Deni?

Dadka sida weyn u garanayo Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegayo inuu yahay nin siyaasad ahaan adag isla markaasna lagu tuhmayo inuu xiriir dhow la leeyahay Xisbiga Xasan Shiikh Maxamed.

Sida ay xogta ku heshay Khaatumonews.com Deni ayaa qorsheenayo inuusan xiriir toos ah la yeelan Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna uusan muujin dabacsanaan siyaasadeed.

Maalintii la doortay ayuu BBC u sheegay inuu sii jiri doono Iskaashigii Maamul Goboleedyada ayna tahay arrin dastuuri ah oo aan marnaba laga gudbi doonin.

Taas ayaa banaanka soo dhigtay siyaasadda cusub ee uu Deni kala hortagi doono Dowladda Federaalka Soomaliya waxayna taas muujisay in Dowladda Dhexe looga adkaaday loolankii siyaasadeed ee Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa la aaminsan yahay inuu siyaasad ahaan u fiicnaa Dowladda Soomaaliya maadaama uusan la safneyn siyaasiyiinta ku kacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna uu ahaa Siyaasi danley ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa meel cidlaa kusoo dhacday waxayna ka shaqeysay sidii Cabdiweli Gaas meesha looga saari lahaa balse waxaa usoo baxday natiijo middii hore kasii daran.

Dadka sida weyn u garanayo Deni ayaa sheegayo inuu Deni yahay nin ad adag waxaana lagu xasuustaa inay iska dhaceyn isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud markaas oo loo diiday Wasiir uu doonayo in loo magacaabo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...
Deg Deg:Ciidanka Itoobiya Oo Buuhoodle Ku Xidhay 40 oday,
- Jan 18, 2021
Xaalada Magaalada Buuhoodle, ayaa saaka kacsan kadib isfahan waa ka dhashay dilal ka ...
Deg Deg Daawo; Xildhibaan Mahad Salaad Oo Eedayn U Jeediyey Farmaajo
- Jan 18, 2021
Xildhibaan Mhada Salaad Oo kamid Ah Xildhibanada Dawlada FedraalkaA Soomliya Ayaa Eedayn Kulul U ...
Daawo:Shir Buuhoodle Ku Dhexmaray Garaad Cabdirisaaq iyo Saraakiil Itoobiyan ah Iyo Hanjabaad Ay diren,
- Jan 17, 2021
Garaad Abdirisaaq oo Kulan Gaar ah la Qaatay Wafti ka socda Dawlada DeegaankaSoomaalida itoobiya ...