600 Deg Deg Daawo Video:Ruushka Oo Ka Digay Saldhigyada Miletari Ee Ingiriisku Samaynaayo… | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Ruushka Oo Ka Digay Saldhigyada Miletari Ee Ingiriisku Samaynaayo…

Xukuumadda Waddanka Ruushka ayaa walaac weyn ka muujisay wax ay ugu yeedhay is ballaadhinta Millatari ee dawladda Ingiriisku saldhigyo cusub kaga dhisanayso meelo kala duwan oo adduunka ah, waxaanu digniin ugu diray in uu ka joogsado hawshaasi oo uu sheegay in uu u arko daandaansi dhinaca istaraatiijiyadda Millatari ee adduunka ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Haweenayda lagu magacaabo Maria Zakharova oo dorraad saxaafadda kula hadashay Magaalada Moscow waxa ay sheegtay in qorshaha xukuumadda London ay saldhigyo Milatari iyo tas-hiilaad dhinaca Gaashaan dhigga ah oo ay meelo dhawr ah ka samaysanaysaa yahay Gardarro aan meelna loogu soo gabban iyada oo sheegtay in uu Ruushku qaadi doono tallaabo kasta oo uu isna ku difaaco danihiisa istaraatiijiga ah ee mandaqadaha muhiimka ah sida kanaalka Suways, Marin biyoodka Baabul-mandab iyo badda casba.

Maria Zakharova waxa ay sheegtay in qorshaha ka bixitaanta Ingiriisku kaga baxayo Midawga Yurub uu yahay sidii uu qiil-sharci ugu heli lahaa in uu ku samaysto saldhigyo cusub isaga oo baal maraya bay tidhi shuruucda caalamka sidaa darteed aanay ka Ruush ahaan aqbalayn in ay daawadaan ciyaartan.

Haweenaydan Afhayeenka u ah Wasaaradda Khaarajiga Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Williamson uu sheegay in Ingiriisku siyaasadihii uu kaga baxay sannadihii 1960-kii bariga Kinaalka Suweys ay tahay fursad soo noqon doonta sidaa darteed ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan danahooda Milatari iyo Ammaan ee goob kasta oo dunida ah gaar ahaan meelaha Muhiimka ah ee adduunku isaga kala goosho.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in hadalladii uu Willamson siiyay wargeyska Sunday Telegraph ay ahaayeen kuwo jaha wareer ah sida ay hadalka u dhigtay. Waxa kale oo ay sheegtay in Ruushku ku filan yahay in uu isaga filnaado waxa ay ugu yeedhay siyaasadaha Aar-goosiga u muuqda.

Si kastaba ha ahaatee waxa isa soo taraya wararka quwadaha adduunka la xidhiidhinaya in ay saldhigyo waaweyn oo Milatari ka hunguraynayaan Marin Biyoodka Kinaal Suways iyo Baabal mandab oo ah badda cas ahna goobo istaraatiiji ah waxaanay xogaha qaar sheegayaan in Ingiriiska iyo Ruushkuba isha ku hayaan saldhigyo ay ka samaystaan meelo ay ka mid tahay Somaliland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...