600 Deg Deg Daawo Sawiro:Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Wefti Culus | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Sawiro:Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Wefti Culus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 January 2019 xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey.

kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian iyo waftiga la socdey ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia ayaa madaxweynaha Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameeyaan, isla’markaasna shirkadahaasi ay wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ay ula yeelan lahaayeen Puntland.

Dhinaca kale madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa ee fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian ayaa Puntland ku amaanay horumarka iyo biseylka siyaasadeed ay gaaratay, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay u qabsoontay doorashadii ka qabsoontey Puntland 8 January 2019 iyo sidii hufnaanta lahayd ee madaxda Puntland ay shalay xilka ula kala wareegeen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka ayaa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa u sheegey in Puntland ay mar waliba diyaar la tahay sidii ay wada shaqayn dhow la yeeshaan

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...
Deg Deg::Alshabaab Oo soo Saartay Amar ka Dhan ah Madaxda Puntland
- Jan 11, 2021
Af-hayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa cod laga ...