dahabshiil

Deg Deg:Golaha shacabka oo ugu dambeyn go’aan ka gaaray xeerka Maamulka Bangiga Dhexe

Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta dood kulul ka yeeshay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, waxaana Xildhibaanada qaarkood si adag dood uga keeneen sharcigan Wasiirada soo meel mariyeen.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa ka dooday wax ka badelka lagu sameenayo sharciga xeerka Maamulka Bangiga Dhexe , waxa ayna Xildhibaanada dooda dhiibatay qaarkood taageereen waxka bedelka sharciga halka kuwa kalana kasoo horjeeseen.

Markii dooda Xildhibaanada ka lahaayeen wax ka badelka Xeerka mamaulka Bangiga Dhaxe ee Soomaalia ayaa gudoomiyaha waxa uu faray Xildhibaanada in ay cod u qaadaan xeerkan si uu u dhaqan galo ama u diidaan.

Xeerkan wax ka badelka Bangiga Dhaxe ee Soomaalya waxaa taageeray oo meel mariyay 158-Xildhibaan, waxaana xeerkan kasoo horjeestay oo diiday 17-Xildhibaan , mana jirin Xildhibaano ka aamusay.

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya xeerkan wax ka badelka Bangiga Dhaxe ay maanta meel mariyeen ayaa ogolaanaya in Bangiga Dhaxe uu madax ka noqon karo Ruux ajnabi ah .

Meel marinta xeerkan wax ka badelka sharciga Bnagiga Dhaxe ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya la sheegay in ay dooneyso in Bangiga Dhaxe madax ka noqdo nin ajnabi ah oo kasoo jeeda dalka Briain.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo:Daahir Calasow Oo Si Diiran Cadaado loogu Soo Dhaweeyay iyo Ciidan Xoogan Oo Galbinaya
- Jun 25, 2019
Wariye Daahir Calasow ayaa soo gaadhay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka ...
Deg Deg:Wadahadalkii Maamulka Somaliland iyo Dawlada Somalia Oo Fashilmay Kadib Markii Dawlada Somalia Diiday.
- Jun 25, 2019
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland ...
Daawo:Ubax Fahmo Oo Soo Qaaday Hees Cajiib Ah Samir iyo Muqaal Qurux Badan,
- Jun 25, 2019

Wararkii Ugu Danbeeyay Xiisada u dhaxeysa dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay
- Jun 25, 2019
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray ...
Deg Deg:Deni Oo Kulan Isugu yeedhay Saraakiil Kala Ah Moorgan Cabdisamad Cali Shire Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xubno kale.
- Jun 24, 2019
Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ...