600 Deg Deg:-Deni Oo Ka Hadlay Wasiirada Uu Soo Magacabaayo, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:-Deni Oo Ka Hadlay Wasiirada Uu Soo Magacabaayo,

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday nooca ay noqon doonaan golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wasiirada uu dhawaan soo dhisi doono uu meelo badan ka eegi doono, isaga oo sheegay inuu ka fakarayo tayada ay yeelan doonaan wasiirada maamulka Puntland.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisayo uu kusoo xulan doono dhanka aqoonta, isaga oo sheegay inay doonayaan inay wax badan ka badalaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in door weyn Haweenka ay ku yeelaan doonaan golaha wasiirada Puntland, waxaana haweenka ay aad ugu yar yihiin golaha wakiilada, maadaama hal haween ay ku jirto.Advertisement

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhalinyarada door muuqda ay ku yeelan doonaan golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in dhalinyarada wax baratay ay wax ka badali karaan deegaanada Puntland.

Sideedii Bishaan Janaayo waxaa magaalada Garowe lagu doortay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii uu 4 cod kaga guuleystay Generaal Asad Cabdullaahi oo ay isku soo hareen wareegii ugu dambeeyay.

Waxaa hadda laga sugayaa inuu soo dhiso golaha wasiirada maamulka Puntland, waxaana saacadihii ugu dambeeyay uu waday kulamo wadatashi ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...
Deg Deg::Alshabaab Oo soo Saartay Amar ka Dhan ah Madaxda Puntland
- Jan 11, 2021
Af-hayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa cod laga ...
Deg Deg Daawo:Ciidan Beeleed kaga Dhawaaqay Dagaal ka dhan AH Farmaajo Muqdisho,
- Jan 10, 2021
Maleeshiyaad beeleed aad u hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa muqdisho kaga ...