dahabshiil

Deg Deg:Xasan Sheikh Oo Hambalyo U diray Dani.

Madaxaweynihii Hore Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa Hambalyo udiray Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Siciid Cabdilaahi Dani.

Xasan Sheikh Oo ka hadlaaya doorashada Maanta ka dhacday puntland ayaa yidhi’Waxaaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Doorashadda maanta dhacday, waxay caddeyn u tahay sida Puntland u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray.

Waxay sidoo kale tilmaam ka bixinaysaa sida shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland ugu bisil-yihiin dimuqraadiyadda iyo dowladnimada, 
Waxaan Madaxweynaha cusub u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday.’

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Habon says:

    Waa siday rabeen MJ, Damuljadid iyo SNM nin xidhiidh la leh inay doortaan ….halkaas ha ka socoto..

    • WARAN says:

      XASAN CULUSAW

      REER SOMALILAND BAA SOO SAARAY DOORASHADIISII

      DANI NA REER SOMALILAND. BAA SOO SAAREY WAA DHAB

      HAWSHU HA SOCATO

      FAQASH NA HA KU GO’NAATO

  2. leopon says:

    Baarlamaanka ilaa lasaxo oo beelaha laysku dheelitiro ama one man one vote lehelo saasay ahaan faroole iyo damjadiid.

  3. Qaybdiid says:

    Allaah Kariim, Culusaw, ummadan aad baabisay Allaah dartii ku nabad geli. Gaalo ayaad ka raacday oo xaqoodii ku duudsiday, guud ahaan dalkoo dhan, markii aad talada haysay. Maantadan la jooggo, wixii aad dhici karaysay waqtigaagii qaadatay. Inaan Allaah cudur xun kugu ridin ummadda amaan sii oo ka daa lugooyada

  4. jugsodhacay says:

    XASAN CULUSAW MATIHIDOO DAMEERKII RABAY IN GAALKACYO,JARIIBAN,GALDOGOB,GARACAD SIIYO HAWIYE, ARINTAAS OO GAAS IYO REER MUDUG KA DHIIDHIYEEN.

  5. Cabdiqani says:

    Majerteen ila iyo 1960 waxa ka shaqeynayeen sida beesha Dhulbahante loo baa’biin laha dhinac walba. Ninka og baa og laakin 1960 magaalada Laascaanood ayaa ka weynayd Garowe.

    Majerteen qorshe aad uu foolxun ayaa dhigeen sanadahaas lixdamaadki(1960-1969), qayb ka mid ah Majerteen oo madaxweyne Sharmaarke inay dilaan ku heshiiyay ayaa hadana yidhi “degaankeena yaan lagu dilin ee marku Laascaanood tago aan ku dilno si Soomaali oo dhan Dhulbahante colaad uu qaado, waana dhacday sidi ay rabeen oo Dhulbahante hadaan nahay ila NFD ila Jabuuti waxa la inagu shaambadeeyay in aynu lug ku lahayn dilka madaxweynaha, keliya dadki Waqooyi deganaa baa ogaa in aan waxaas ka suuroobin beesheena, laakin Soomaalida kale waa aaminen borobogaandada Majerteen.

    Siad Barre xukunka ma qabtay, waxa markiiba Majerteen ku yidhaahdeen “Siyaadow Dhulbahante waa kuwi dilay madaxweynihi beesheena aha(majerteen) kolkaas gobol cusub oo NUGAAL la yidhaahdo ina sii oo Garowe caasimad uga dhig. Siad Barre sidi buu yeelay. Hada ogow NUGAAL magac ahaan weligeed waxa lagu yaqaanay Dhulbahante (tusaale fardaha Nugaal ee Dhulbahante).

    Dhinaca kale Majerteen wuxu ila 1960(midowga labada dal ka dib) ka shaqeynayay in aan marnaba Dhulbahante dhinaca Somali Galbeed xidhiidh wanaagsan la yeelan beelaha dega gaar ahaan Ogadeen, waana sababta degaanka Dhulbahante ee DDSI yahay kan ugu horumarka yar guud ahaan degaanka. Dhinaca Somaliland ila 1960 waxa Majerteen ka shaqeynayay in Dhulbahante aanu weligi uu dhowaan beelaha kale ee Somaliland maxa yeelay taasi awoodooda gudaha dalki Somalia baa ay waynayn lahayd hadi iyago Waqooyi wada socda wax ku doonta gudaha Muqdisho, kolkaas Majerteen waxa uu abuuray siyaasadi Daarooday ka Kacay iyo colaad dhex marta Darood-Hawiye iyo Darood-Isaaq. Waxa colaadahaas ku baa’ba’ay anaga ayay ahayd(Dhulbahante) oo meel walba ka dagaal galnay ileen Majerteen hadal mooyaane meel difaac Daarood qoriga uu qaatay ma jirtee. Colaad aan Soomaali dhexyaalin ayaa Majerteen abuuray ka dibna waa uga baxay Daarood difaaci beesha uu dagaalka geliyay. Waana waxa ay caanka ku yihiin qaab dagaalka nocaan ah.

    Waxa nasiibdarro weyn ah in siyaasadaas Majerteen ee 1960 ila 1991 ay keentay in sodon sanadood(31 years) aan hal ceel laga qodin carro Dhulbahante, hal wado la samayn, hal iskuul, cusbitaal warkiidba daa, sodon sanadood oo khasaaroobay ayay noqotay. Waxa xigtay samaysanki Puntland oo colaadinti hore ku dartay xasuuqa iyo barokicinti dadkeenj
    degaankoodi iska joogey hadi ay noqoto Taleex, Qoriley, iyo meelo kale.

    Iyado waxaas oo dembi la inaga galay ayaa ila maanta laga kari laayahay Majerteen “waar ina daaya oo ina nabadgeliya aan laba jaar oo walaalo ah noqono”, weli waxa ay rabaan in sodon sano oo kale(30) inaga lumiyaan iyago tumaya durbaanka qabiil, halka dhinaca kale ay iyagu ku dheeraynayaan la shaqeynta beelaha aan Daarood ahayn. Illahay sidu ka yeeli beesha Majerteen marka la is weydiiyo waxa soo baxaya sawir aan wanaagsanayn.

    Waxa aan maqli jirey Amuuraha Illahay Yaab Badana, waxa hada suurtogal ah in gobolki Nugaal ee Siad Barre sida qaldan uu bixiyay in uu noqdo degaan Dhulbahante, waa hadi Majerteen ka bixi waayo degaanada Dhulbahante oo noqon deris edeb leh. Axmed Karaasha nin shaqo tegey weeye inama metelo.

    Soo joog hadi la idin ka waayo, soo jiif baa la idin ka heli oo Wallahi ah, meel ku sii qorta.




script>
Deg Deg Daawo:Daahir Calasow Oo Si Diiran Cadaado loogu Soo Dhaweeyay iyo Ciidan Xoogan Oo Galbinaya
- Jun 25, 2019
Wariye Daahir Calasow ayaa soo gaadhay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka ...
Deg Deg:Wadahadalkii Maamulka Somaliland iyo Dawlada Somalia Oo Fashilmay Kadib Markii Dawlada Somalia Diiday.
- Jun 25, 2019
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland ...
Daawo:Ubax Fahmo Oo Soo Qaaday Hees Cajiib Ah Samir iyo Muqaal Qurux Badan,
- Jun 25, 2019

Wararkii Ugu Danbeeyay Xiisada u dhaxeysa dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay
- Jun 25, 2019
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray ...
Deg Deg:Deni Oo Kulan Isugu yeedhay Saraakiil Kala Ah Moorgan Cabdisamad Cali Shire Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xubno kale.
- Jun 24, 2019
Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ...