Deg Deg:Madaxweyne Ku xigeenka Puntand Lagu Dhawaaqay
Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland,kadib markii uu wareegii u dambeeyay dhulka ku jiiday Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la tartamayay.
Mudane Axmed Karaash ayaa helay aqlabiyad buuxda 47-cod,halka murashixii la tartamayay Cabdi Qawdhan uu helay 19-cod oo keliyah.
Madaxweyne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash ayaa hore u soo qabtay xilal kala ah; wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirka Duulista hawada ee Puntland oo uu ka soo qabtay xukuumadii Cabdiweli Gaas.

Loading...
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.