dahabshiil

Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Muxuu ka yidhi Madaxweynaha Cusub Puntland,

madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. WARAN says:

    XAARMAAJO

    OO HADLAYA MA ARAGNEE MA KASTUUMO FAQASH BAA AF HAYEEN U AH

    http://www.horumarka somaliland.com

  2. Qawdhan says:

    Daarood waa wada faqash.. faqashana afkaa wada dheer, wax kale ma yaqaaniin




script>
Deg Deg:Digniin Loo Diray Shacabka Muqdisho.
- Mar 24, 2019
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana ...
Deg Deg:Axmed Madoobe Magacaabay Guddiga Doorashada Jubaland iyo Tiradda Xubbnaha +Magacyadooda.
- Mar 24, 2019
Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha ...
Deg Deg: Ciidamada dowladda oo sii daayay SARKAAL sare oo Al-Shabaab ah
- Mar 24, 2019
Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan ...
Deg Deg Daawo:Somaliland Sir Culus Oo La Qarxiyay.
- Mar 23, 2019
Warbaahinta Hargaysa ayaa dabagal xoogan ku samaysay shaqaalaha iyo xubanaha Ka soo jeeda Deegaanka ...
DAAWO::Odayaasha Gobalka Awdal Oo Hanjabaad Udiray Muuse Biixi Kuna Baaqay Dagaal.
- Mar 23, 2019
Odayaasha waxgarad deegaanka Borama ayaa Digniin Culus u Diray Hogaamiyaha maamulka SNM Muuse ...