600 Saadaasha xildhibaanada SSC yaa Cali u codeyn kara yaase ka codeyn kara?. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Saadaasha xildhibaanada SSC yaa Cali u codeyn kara yaase ka codeyn kara?.

Olalaha doorashada Puntland ayaa wuxuu marayaa halkii ugu saraysay, waxaana ka hadhay doorashada Barri oo Isniin ah, Talaatada 7:00 subaxnnimo waxaa bilaabmaysa khudbadaha murashaxiinta.intaa wixii ka danbeeyana waxaa bilaabmaysa codeynta iyo tirinteeda, maadaama xildhibaanada Puntland kooban yihiin afarta galabnnimo ka hor Puntland waxay yeelanaysaa madaxweyne 5 sano oo hor leh xukunka hayn doona.

Madaxweynahaas oo isbadel mugweyn u horseedi doona Puntland ama noqon doono mid halkii ka sii wada kaltankii ragaadiyey ee kala dhantaalay Puntland 20kii sano ee aynu ka soo gudubnay.

Loolanka hadda aloosan wuxuu keenay in murashaxiin badan ay ka tanaasuleen xilka ay isu soo taageen kuwana u noqdeen madaxweyne ku xigeen sida Saadiq Eenow oo isu soo sharaxay madaxweyne ku xigeen talaabadaas oo ah mid geesinnimo leh oo qaabkii ay hore ugu dhignaan jirtay wax ka badeleen isaga iyo Cali Ciise Cabdi-ba.

Bulshada Puntland ee isbadel doonka ahi waxay aad u xiisaynayaan in uu isbadel ka dhaco hoggaanka Puntland , oo la doorto Dr.Cali Ciise Cabdi, waxayna dareemayaan in Puntland koobnaanta ka baxdo.

Sidaas oo ay tahay ayaa Cali in badan marka la faalaynayo la sheegaa haddii uu wareega koowaad soo gaadho kan labaad wuuba ku soo bixi karaa, waxaana la aaminsan yahay haddii 17 xubnood ee ka soo jeeda SSC taageeraan ay keeni karaan Cali iyaga kaligood wareega koowaad.

Sidaas oo ay tahay ayaanu Dr. Cali Ciise Cabdi isku halaynayn 17kaas xildhibaan oo uu olalihiisa ka bilaabay xildhibaanada kale gaar ahaan kuwooda cusub ee isbadel doonka ah, waxaana hubaal ah ilaa hadda in aanu Dr. Cali Ciise xildhibaanada 17ka ah dhammaantood si gooniya u abbaarayn. Iyaga laftarkooduna ay isugu jiraan kuwo ku gaamuray goobta oo miciyahooda xanbaarsan xidhiidho horena jireen iyo kuwo cusub, waxaana saadaashu tahay in uu Cali ka heli karo xildhibaanada SSC cododka 11 xubnood inkastoo aanay saadaashu sida hadda la odorosayo noqon karin oo isbadel ku dhici karo hadana waxaa la saadaaliyey in uu xubnahan ay u codeyn karaan Cali Ciise.

1.Ismaacil Maxamed Marsame 
2.Nimco Cabdi Caarshe 
3.Faarax Maxamed Dalmar 
4.Aadan Yusuf Adan 
5.Abdirisaq Maxamed Sahal 
6.Abdirahaman Hajji Axmed Adan
7.Abdirahman Diriye Carab 
8.Axmed Xariir Gaas Gutaale 
9.Maxamuud Axmed Caalin 
10.Maxamed Cabdilahi Cilmi Dhuubane
11.Cabdiraxmaan Muuse Jaamac

Xubnaha aan ilaa hadda la saadaalin karin murshaxa ay u codeyn doonaan ayaa kala ah.

1.Saadaq Abshir Garaad 
2.Kayse Cawil Cali Boobe 
3.Cabdi Siciid Kafad 
4.Ismaacil Cabdi Abtiile 
5.Axmed Yasiin Cabdi 
6.Xuseen Yasiin Xaaji Diiriye

Dadweyne isugu jira dhalinyaro iyo waayeel oo u hamuum qaba isbadelka ayaa olole xoogan ka dhex wada xildhibaanada 66ka ah iyo madax dhaqameedka Garoowe ku sugan iyaga oo ku cadaadinaya in ay isbadelka u codeeyaan maadaama ay xildhibaanadu shacabka matelaan, isla markaana aanay codka shacabka dhaqaale dhaafsan, dhalinyaro badan oo xildhibaanada ka soo jeeda SSC kula kulmay magaalada Garoowe waxay xildhibaanada u sheegeen in aanay codkooda qof aanu shacabku raali ka ahayn u leexin.

By Asad Adaani

KHAATUMONEWS.COM

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021