600 Deg Deg Daawo Video:Afhayeenka Qaramada Midoobe Oo Kaga Nixiyay Farmaajo!? | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Afhayeenka Qaramada Midoobe Oo Kaga Nixiyay Farmaajo!?

Afhayeen u hadlay QM oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin.

HALKAN KA DAAWIO VIDEO

Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom  ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo.

Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka.

“Eedeynta la xiriirta faragelinta dowladda federaalka ah iyo qalalaasihii dhashay  soo xiristii hal murashax,  ku-xigeenkii hore ee Al-shabaab waxaa ay haleysay hannaankii, taasina kama bixineyso saadaalin fiican natiijada doorashada dowlad goboleedyada iyo midda 2020-ka”, waxaa sidaa yiri Haysom.

Dhinaca kale, Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Cusmaan oo ka hor hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in UN-ka iyo cidda wakiilka ka ah ay waajib ka saaran tahay inay ixtiraamaan shaqadooda, oo aaney faro-gelin arrimaha gudaha, isla markaana Soomaalida loo daayo inay aayahooda ka tashtaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...